Saxilnews.com
Deg Deg:- Madaxweyne Ka Mid Ah Madaxda Ururka IGAD Oo Ganafka Ku Dhuftay In Uu Ka Soo Dego Moqdisho + Sababta
September 13, 2016 - Written by Abdisalaan Harir
Moqdisho (SaxilNews):-  Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya C/salaan Hadliye oo goor dhow la hadlay Idaacada BBC-da ayaa xaqiijiyay in Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir aanu ka soo qeyb geli doonin shirka Madaxeedka IGAD ee goor dhow ka furmaya Muqdisho.

al

Wasiir Hadliye ayaa sheegay in Madaxweyne Al-Bashiir uu cudur daar soo diray, isla markaana uu u matalayo shirka Safiirka Sudan u fadhiya Muqdisho.

“Madaxweynaha Sudan wuu cudur daartay, shirka ma imaanayo, waxaa u matalaya Safiirka Sudan”ayuu yidhi  Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Wariyeyaasha ku sugan xarunta shirka ka dhacayo ayaa soo sheegaya in shirka uu furmi doono 3-da Galabnimo, isla markaana Madaxda ay soo dhameystirmi doonaan.

 

COMMENTS
Latest News