Saxilnews.com
Deg Deg:- Madaxweyne Diyaaradii Siday Ka Laabtey Garoonka Muqdisho Kuna Noqotey Dalkii Ay Ka Soo Kacdey, Xili Shirkii IGAD Furaamyo Goor Dow + Sababta .
September 13, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

Moqdisho (SaxilNews):- War deg deg ah oo hada soo gaadhaya xafiiska war qabadka shabakada Saxilnews.com ee magaalada Moqdisho ayaa waxaa  xaqiijinayaan in ay diyaaradii khaaska aheyd ee siday madaxeynaha Jabuuti ay soo cago dhigan weyday garoonka diyaaraha ee Moqdisho

 

Warar is khilaafsan ayaa waxaa ay ka soo baxayaan sababta uu madaxweynaha Jabuuti garoonka uga laabtey wararka qaar ayaa waxaa ay sheegayaan in diyaradii siday ay ciladi ku timid sidoo kale wararka qaar ayaa waxaa ay sheegayaan in madaxweynuhu uu shaki xoogan ka muujiyey amaanka Moqdisho iyo goobta uu shirku ka dhacaayo isla markaana xogo uu ka helay sirdoonkiisa  qasab ku noqotey in uu dib ugu laabto Dalkiisa Jabuuti.

Geele

Wasiirka arimaha dibada Somaliya Cabdisalaan Hadliye oo hada warbaahinta  la hadley ayaa waxaa uu sheegay in ay ciladi ku timid diyaaradii u saarna isla markaana la filaayo in uu madaxweynuhu dib   u soo laabto ama ay wakiiladiisu matalaaan

Goor sii horeysay ayaa warar soo baxayay sheegayeen in Madaxweynaha Jabuuti uu soo gaadhay Muqdisho, sida ay baahisay Wakaalada wararka ee Somaliya kaas oo  noqdey war been ah

Fiiro Gar Ah :- Waxii Warar ee ka soo kordha kala soco shabakada Saxilnews.com

COMMENTS
Latest News