Saxilnews.com
Deg Deg:-Madaxwayne Siilaanyo Oo Cafis U Fidiyey In Ka Badan 400 Oo Maxbuus Oo Jeelasha Dalka Ku Xidhnaa
July 27, 2017 - Written by admin

Hargaysa (Saxilnews.com)-Warar xog ogaal ah oo soo gaadhaya xafiiska shabakada wararka Ramaasnews kana soo gaadhay ilo wareedyo loogo qaateen ah ayaa waxay sheegayaan in madaxwayne Siilaanyo uu maanta cafis madaxwayne u fidiyey in ka badan 400 oo maxbuus oo ku kala xidhnaa xabsiyada waa wayn ee gobolada dalka.

Maxaabiistan uu madaxwayne Siilaanyo cafiska u fidiyey ayaa tiradooda naloogu sheegay 489 Maxbuus oo ku xidhnaa jeelasha gobolada dalka,kuwaas oo ku xukunaa danbiya fudud.

Maaha markii u horeysay ee madaxwayne Siilaanyo cafis madaxwayne ku sii daayo maxaabiis ku xidhan xabsiyada dalka,balse dhawaan ayay ahayd kadib markii uu maxaabiis tiro badan cafis u fidiyey kuwaas oo ku jiray jeelasha Burco iyo Borama,ayna sabab u ahayd kadib markii jeelasha uu ka dilaacay xanuunka Shuban Biyoodku.

COMMENTS
Latest News