Saxilnews.com
DEG DEG :- MAAMULAHA MADAARKA HARGEYSA OO LA KALA SAFTEY MID KA MID AH LABADA GARAB EE XISBIGA UCID.
September 29, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

 

Hargeysa (Saxilnews):- Maamulaha  madaarka Hargeysa Muddane Maxamed Yuusuf Ismaciil  ayaa waxaa uu si cad oo badheedh ah ula kala saftey mid ka mid ah labada garab ee uu u dhaxeeyo khilaafka xisbiga UCID .

 

Maamulaha ayaa waxaa uu qabyaalad cad oo aan gabad laheyn ku taageeray gudoomiye Faysal Cali Waraabe waxaana uu  barta uu ku  leeyahay shabakada xidhiidhka bulshada ee Facebook ku tageeray gudoomiye Faysal isaga oo ku soo Share gareeeyey ( La Wadaagey Asxaabtiisa )   maqaalo lagu aflagaadeynayo  isla markaana lagu caayayo hanka musharax Jamaal cali Xussen .

Waxaa xusid muddan in Maamule Maxamed Yuusuf  iyo gudoomiye Faysal Cali Waraabe ay isku beel yihiin isla markaana ficilkan uu   uu maanta muujiyey ay  tahay mid u muuqata  tageero qabyaalad cad ah oo aan geedna loogu soo gaban isla markaana waxaa ay  sharaf dhac ku tahay shaadhka dawladeed ee uu masuulkani qaranka u hayo waxaana ay arintani noqoneysa arin ugu ku ah qarankan Somaliland .

Halkan Hoose Ka Akhrisyo Maaqalada Uu Maamuluhu Ku Soo Baahiyey Barta Facebookgiisa .

bbbb

bbbb2Ilaysnews/Hargeysa Office

COMMENTS
Latest News