Saxilnews.com
DEG DEG : LABA QARAX OO LAGU WEERARAY XARUNTA DAMBI BAARISTA ( CID) EE MAGAALADA MOQDISHO
July 31, 2016 - Written by suxufi
Moqdisho (Saxilnews):-  Laba qarax oo waa weyn ayaa goor dhoweyd  lagu weeraray xarunta dambi baadhista Ciidamada Booliska ee CID, iyadoo qaraxyada ay saameeyeen inta badan dhismaha xarunta.

Xarunta CID-da oo ku taal nawaaxiga Isgosyka KM4, kuna dhow Hotelka Saxafi ayaa dad goob joogayaal ay sheegeen in qaraxa hore lagu dhuftay afaafka hore ee xarunta.

Qiic iyo uuro oo cirka isku shareeray ayaa laga arkayay goobo fog fog, waxaana jira khasaarooyin ka dhashay qaraxyada.

Qaraxyada kadib ayaa la maqlay rasaas xooggan, saraakiisha dowladda ayaa sheegay inay toogteen dabley hubeysan oo dooneysay inay gudaha xarunta u soo galaan.

Wakaalada wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in xaalada ay tahay mid degan, isla markaana ciidamada ay toogteen kooxihii hubeysnaa ee isku dayay inay galaan gudaha xarunta, kadib qaraxa marka uu dhacay

Xarunta CID-da ayaa ah goob lagu xidho dadka lagu soo qabto howl galada iyo kuwa dambiyadooda la baadho, ka hor inta aan xabsi iyo maxkamad loo gudbin.

COMMENTS
Latest News