Saxilnews.com
Deg Deg : Kulankii Maanta Ee Gudida Doorashooyinka Iyo Xisbiyada Oo Baaqdey , Saddex Gudoomiye Oo Kala Gaar Gaar U Kulmey Iyo Natiijada Kulmadaas .
January 9, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

Hargeysa (Saxilnews):- Gudida doorashooyinka Somaliland ayaa waxaa ay maanta la balansanayeen saddex xisbi qaran ee Somaliland si ay iskula meel dhigaan arimaha doorashooyinka oo ku soo beegmay wakhti ay abaaro xun ka jiraan guud ahaan dalka .

Kulunkaasi saaka loo balansanaa ayaa gabi ahaanba baaqdey ka dib markii sida la sheegay xisbiyada qaar codsadeen in ay iyagu isa soo arkaan ka hor inta aanay kominshanka u imanin oo ay wax isla soo meel dhigaan .

 

Saddex gudoomiye Xisbi ee Kulmiye , Waddani iyo UCID ayaa waxa si kala gooni gooni ay ugu kulmeen Hotel Ambasadoor ee magaalaada Hargeysa .

Ugu horeyn waxaa kulan gaar ah yeeshay Gudoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe iyo Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi , lamana garan karo waxyaabaha ay ka wada hadleen labadaasi gudoomiye balse ilo ka ag dhaw labada dhinac waxaa ay sheegay in ay ka wada hadleen arimaha doorashooyinka iyo xaaladan adag ee dalku ku jiro sidi laga yeeli lahaa

Sidoo kale xogahan ayaa sheegay in uu Muuse Biixi damcay sidii uu Faysal Cali Waraabe ugu qancin lahaa in doorashada xiligeedii la qabto balse lama garan karo in uu Faysal ku qancay soo jeedinta Muuse .

Dhinca kale waxaa iyaguna kulan gaar isla hotel Ambsadoor ku yeeshay Gudoomiye Faysal Cali Waraabe iyo Gudoomiye Cabdiraxmaan Ciro isla markaana waxaa ay iyaguna gaarkooda u faaqideen xaalada dalku ku jiro iyo sida uu noqonaayo xaalka doorashadu .

Lama oga qodobada ay labadan gudoomiye oo iyagu isku dhinac ka ah arimaha doorashooyinka ay isla qaateeen

Gabo gabadii waxaa xusid mudan in aanay Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan Ciro Kulmin , ka dib markii uu Muuse ka soo baxay Hotelka markii Ciro iy Faysal ay kulan gaar ah albaabada iskaga soo xidheen

COMMENTS
Latest News