Saxilnews.com
Deg Deg Kulan Balaadhan Oo Hargeysa Uga Socda Xukumada Somaliland Iyo Maamulka Khaatumo + War Cusub Oo La Filaayo In Ay Ka Soo Saaraan Wadahadaladii U Dhaxeeyey
June 17, 2017 - Written by Saki Adam Suxufi

Hargeysa (Saxilnews) :-Magaalada Hargeysa waxa ka socda kulan u dhaxeeya Xukumada Somaliland iyo Maamulka Khaatumo ee uu hogaamiyo Prof Cali Khaliif Galaydh kulanka ayaa ujeedadiisa tahay shaacinta qodoba ku saabsan wadahadaladii u socday mudooyinkii ugu dambeeyey labada dhinac.

Masuuliyiinta labada dhinac ayaana uu kulankani haatan uga socdaa Huteel Ambsador ee Magaalada Hargeysa iyada oo la filaayo in saacadaha soo socda ay shaaciyaan qodobada ka soo baxay wadahadaladii u socday labada dhinac Bilihi Ugu dambeeyey.

Sidoo kale waxa la filayaa in halkaasi ay labada dhinac soo saaran guddi laba geesood ah oo ka hawl gala hir galinta qodobada la isla qaatey.

La soco wixii warara ee danbee ka soo kordha halkan kala soco

COMMENTS
Latest News