Saxilnews.com
DEG-DEG: Kooxda Atletico Madrid Oo Xiriirka Adduunka FIFA Ka Dacwaynaysa Barcelona & Griezmann Oo Sabab U Ah
December 19, 2017 - Written by editor

Kooxda Atletico Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay dacwad ka gudbin doonto kooxda hogaanka u haysa horyaalka La Liga ee sida ay sheegaan wararka ka imanaya dalka Spain

Wargayska The As ayaa sheegaya in kooxda Atletico Madrid ka Gudbinayso dacwada ku aadan in ay kooxda Barcelona ogolaansho la,aan xiriir la samaysay xiddigeeda Antoine Griezmann.

Atletico Madrid ayaa ku dacwayn doonta in ay dhabarkeeda kala hadlayso xiddiga reer France ee Antoine kaas oo lala xiriirinayo kooxda Barcelona.

Kooxda Barcelona ayaa todobaadkan xaqiijisay in ay xiriir la samysay wakiilka xiddiga oo ah walaasha la dhalatay si ay ugala hadlaan suurtagalnimada uu la wareegi karaan xiddiga inkasta oo ayna Atletico Madrid ka warqabin.

Antoine Griezmann ayaa kooxda Atletico Madrid kula jira heshiis ilaa 2022 isaga oo heshiis cusub u saxiixay kooxda xagaagii lasoo dhaafay.

Xiddigan ayaa lagu qiimeeyaa lacag dhan 100 milyan oo euro waxana si weyn loola xiriirinayaa kooxaha Barcelona iyo Man United kuwaas oo doonaya adeegiisa.

Kooxda Barcelona ayaa la kulmi karta ganaax suuqa kala iibsiga ah hadii ay ku cadaato in ay ku dhaqaaqday dacwada lagu soo eedeeyay.

COMMENTS
Latest News