Saxilnews.com
Deg Deg :- Kominshan Doorashooyinka Oo Ka Hadley Mus-Danbeed Uu Madaxweyne Siilanyo Sheegay In Uu U Magacaabi Doono
April 17, 2017 - Written by Saki Adam Suxufi

Hargeysa (Saxilnews):- Guddida doorashooyinka Somaliland ayaa waxaa ay markii ugu horeysay ayka hadleen guddi mus-danbeed ah oo uu madaxweyne Siilanyo sheegay in uu u magacaabi doono

Gudoomiyaha guddidaas Cabdiqaadir Iiman Warsame oo arintan ka hadley ayaa sheegay in dalku uu sharci leeyahay isla markaana Haaya’ada ugu sareysay ee dalkan Doorasho ka qaban kartaa ay kominshanka doorashooyinka tahay

 

Sidoo kale gudoomiyaha ayaa xusay in aaney wali soo gaadhin qoraal rasmmi ah oo arintan lagu ogeysiinayo balse waxaa uu si dadban ganafka ugu dhuftey guddidaas Mus-danbeedka ah , isaga oo ku doodey in sharciga dalka aaney cidna ka sareen oo lagu shaqeyn doono

” Waxeynu ku dhisanahay Xeerar sharci ah , xeerarkaas sharciga ahna nina kama sareeyo , xeerarkaasina waxaa ay na farayaan ayaanu ku dhisanahay “ayuu gudoomiyaha kominshanku kugaa gaabsadey su,aashi arintan laga weydiiyey

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

COMMENTS
Latest News