Saxilnews.com
Deg Deg :- Hal Maxbuus Oo Ku Dhex Dhintey Jeelka Weyn Ee Hargeysa , Magaciisa Iyo Sababta Uu U Dhintey .
May 20, 2017 - Written by suxufi

 

Hargeysa (Saxilnews):- Waxaa saaka Jeelka weyn ee magaalada Hargeysa ku dhex dhintey hal maxbuusoo jeelkaasi ku jiray isla markaana ku sida shabakada Ilaysnews.com loo sheegay marxuumkan ayaa waxaa ay xukuumadu u haysatey kiis culus

Sida shabakada Ilaysnews.com loo xaqiijiyey maxbuuskan dhintey waxaa magaciisa la odhan jiray Cabdiraxmaan Cabdilaahi Jaamac waxaana ay dadiisu aheyd64 Sanno jir , waxaana uu ka soo jeeday magaalada Borama

 

Sidoo kale shabakada Saxilnews.com ayaa loo xaqiijiyey in marxuumkani uu u dhintey xanuunada Macaanka iyo dhiig karka oo uu qabey isla markaana uu la noolaa

Qoyskii uu marxuumkani ka dhintey ayaa meydka marxuumka qaadey isla markaana sida la sheegay ku qancay baadhitaankii dhakhtarka iyo xeer ilaalinta Somaliland

COMMENTS
Latest News