Saxilnews.com
DEG DEG :- GUDOOMIYE KU XIGEENKII URURKA SUXUFIYIINTA SOMALILAND EE SOLJA OO XABSIGA LOO TAXAABEY + MAXAA SABABAY   
September 7, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

 

Burco (Saxilnews):- Gudoomiye  ku xigeenkii ururka suxufiyiinta  Somaliland ee SOLJA isla markaana ah suxufi ka hawl gala telefishanka madaxa banan ee Horn Cable Tv ugana soo warama magaalada Burco Saxafi Kayse Axmed Digaale ayaa  xabsiga loo taxaabey

 

Wararka Aanu Ka Helayso xadhiga saxafigaas ayaa waxaa la sheegayaa in uu ka danbeeyey garsoore ka hawl gala maxkamada magaalada Burco kaas oo la sheegay in uu ka cadhoodey war uu dhawaan saxafigu ku baayey bartiisa Facebook .

Saxafi Kayse Axmed Digaale  ayaa waxaa uu dhawaan barta uu ku leeyahay shabakada ay bulshadu ku xidhiidho ee Facebook ku soo daabacay arin uu ku sheegay in uu mucjiso tahay isla markaana uu la kulmay taas oo  ku taxaluuqda nin garsoore ka ah magaalada Burco  oo beerka isqaba marka la eedamo kaas oo xanuunka laga jaro marka uu milix cuno oo uu sheegay in uu isagu arintaasi goob joog  u ahaa iyada oo ay ku dhacdey garsooraha

COMMENTS
Latest News