Saxilnews.com
DEG DEG :- GUDIDA DOORASHOOYINKA SOMALILAND OO KA HADLEY QALABKII DIWAANGALINTA GOBALKA SOOL OO XALAY DABALEY HUBAYNI LA WAREEGTAY +MUUQAAL.
September 12, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

 

Hargeysa (Saxilnews):-  Gudida  doorashooyinka  Somaliland oo goor dhaweyd saxaafada kula hadley xarunta ay ku leeyihiin magaalada Hargeysa ayaa waxaa ay shaaciyeen in dabley hubeysani ay xalay goor danbe weerar ku qaadeen goob diwaangalineed oo  ku taalay Magaalada Laascanood

 

Gudoomiyaha Gudida Doorashooyinka Cabdiqaadir Iiman Warsame ayaa waxaa  uu bulshada reer Somaliland Ugu Bushaareyey in qalabkaasi la dhacay xogtii lagu uruuriyey dhamaantood ay ku soo dhacdey xarunta dhexe ee kominshanka isla markaana aanay jirin wax xog ah oo  raacdey qalabkaasi waxaana uu  ugu baaqey dableydaasi qalabka la wareegtay in ay iska soo celiyaan maadaama oo aanu wax anfac ah u laheyn

Dhinca kale gudoomiyaha gudida doorashooyinka Somaliland waxaa uu sheegay in baadhitaan  iyo dabo gal xoogan lagu wado dableydaasi xalay la wareegtay qalabkii diwaangalinta goob ka mid  goobaha magaalada Laascanood.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

 

COMMENTS
Latest News