Saxilnews.com
Deg Deg Golaha Abwaaniinta Somaliland Oo War-Murtiyeed Ka Soo Saarey+Waxa Uu Khuseeyo Iyo Waxa Soo Kordhey.
March 8, 2017 - Written by suxufi

Hargeysa(Saxilnews):-Golaha Madasha Abwaaniinta waawayn ee reer Somaliland ayaa waxay soo saareen wareegto ka kooban laba bog taasi oo ay kaga hadleen arimaha mudo kordhinta.

Iyada oo ay xusid mudan tahay in golaha qayb laxaad ka qaatay dhawaan xili asxaabta siyaasada Somaliland ku kala aragti diwanaadeen arimaha mudo kordhinta markaasi oo ay ku guulaysteen in ay isku soo dhaweeyaan sadexda xisbi qaran ee Somaliland.

Waxaana war murtiyeedkani ay kaga hadleen go,aankii ay golaha guurtida Somaliland ku kordhiyeen doorashada in la qabto dabayaaqada sanadka waxaanay bogaadiyeen guurtida iyaga oo dul istagay qaybta ay golahani ku lahaayeen in guurtidu ay u hogaansamaan go’aankii ay isla qaateen xisbiyada iyo komishanka doorashooyinka qaranka.

 

Magacyada Abwaaniinta Somaliland

Abwaan Maxamed Aadan Dacar, Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi (Xasan ganey), Abwaan Cabdi Aadan Xayd (Cabdiqays) ,Abwaan Muuse Cali Cige (Muuse Cali Faruur) ,Abwaan Yuusuf Cabdille Cismaan (Yusuf Shacir ) Fanaan Cumar Xasan Rooraaye , Xasan Aw Ismaaciil (Tuse aw toosiye) iyo Wariye Maxamed Xasan Cali Waji

Akhri Nuxurka War Murtiyeedka ay soo saareen

 

COMMENTS
Latest News