Saxilnews.com
Deg Deg :- Fanaanka Nimcaan Hilaac Oo Xabsiga La Dhigay , Dalka Lagu Xidhay Iyo Sababta Loo Xidhay
March 16, 2017 - Written by suxufi

Suudan (SaxilNews):- Wararka naga soo gaadhaya dalka Suudan ayaa waxaa ay sheegayaanin booliska dalkaasi ay xabsiga u taxaabay Fanaanka Nimcaankaasoo muddo todobaad ah ku sugnaa Dalka Suudaan si uu Soomaalida Suudaan joogta ugu sameeyo bandhig faneed.

 

Waxaana Fanaanka la xidhay kadib markii ay Booliska ka war heleen in Hool ku yaala Magaalada Khartoum ay ka socdeen heeso uu fanaanku u qaadayay kasoo qayb galayaan dad tira ahaan ilaa boqol iyo konton qof oo isugu jiray gabdho iyo wiilal da’yar u badan

 

Dhalinyaro goob joog ahayd oo joogtay meesha uu fanaanku heesaha ugu qaadayay ayaa warbaahinta u sheegtay in Hoolka mar qura ay soo galeen Boolis kuwaas oo si toos ah u abaaray fanaanka kadibna dadwaynahii hortiisa ku dharbaaxay , goobtana ka kaxeeyey

Wararka qaar ayaa sheegaya in dhalinyaradii fanaanka Khartoum ku marti qaatay ay warqadii ogalaashaha Hoolka ay markii hore ku been abuurteen ayna soo qorteen in meesha waxa ka dhacaya uu yahay Aroos ay Soomaali isku guursanayso oo aysan ahay bandhig faneed lacag lagu galayo

Fanaanka Nimcaan Hilaac ayaa ilaa hada la sheegayaa in su’aalo lagu waydiinayo isaga iyo dhalinyaro kale oo howsha la waday Saldhig boolis oo ku yaaala Magaalada Khartoum ee Dalka Suudaan

Dowladda Suudaan ayaa sharci gaar ah u sameysay fanaaniinta iyo bandhigyada nuucaan oo kale ah iyadoo dowladda hoose ee Khartoum ay lacagta meesha kasoo baxda ay ku leedahay qayb oo ay wax ka ogaanayaan waxii la qabtay.

Waxaana ilaa hada socda dadaalo lagu doonayo in lagu sii daayo fanaanka si damaanad ah, inkastoo wararka qaar sheegayaan in fanaanku uu wato Baasaboor Jabuuti ah oo uusan Soomaali ahaan wadanka ku soo galin.

COMMENTS
Latest News