Saxilnews.com
Deg deg dekadi berbera oo bil gudeheed marki labaad dab ka kacay
June 27, 2017 - Written by shiine caynaba

Berbera (Saxilnews.com):- Waxaa goor dhaweyd uu dab ka kacay barxada Wajaale oo ka mid ah dekada
Berbera isla markaana la dhigo konteenarada .

Ilaa hada ma cada sababta uu dabkaasi u dhashey balse dabka ayaa ka kacay hal Koonteenar oo goobtaasi yeelay kaas oo hada la bakhtiyey

Ciidanka dabdamiska Dawlada Hoose ayaaa isla markiiba u gurmadey isla markaana bakhtiiyey dabkaas isaga oo aan wax khasaare ah geeysan

Waa markii labaad ee muddo bil ah gudaheed uu dab ka kaco qeybo ka mid ah dekada Berbera balse ilaa hada lama aqoonsana sababta dabkaasi dhalineysa

COMMENTS
Latest News