Saxilnews.com
Deg Deg :- Dawlada Somaliya Oo Iminka War Saxaafadeed Ka Soo Saartey Khilaafka Wadamada Carabta Iyo Qadar + Dhinca Ay Taageerada U Muujisay .
June 7, 2017 - Written by suxufi
Moqdisho (Saxilnews):- Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa ay war saxaafadeed kasoo saartey khilaafka ka dhex qarxay qaar ka mid ah dalalka carabta iyo dawlada Qadar

Dawlada Somaliya ayaa sheegtay inay ka xun tahay, kana walaacsan tahay khilaafka diblomaasiyadeed ee soo kala dhex galay dowladaha Carabta

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dawladda Federaalka ku baaqeyso in khilaafka lagu dhameeyo wada hadal iyo is faham.

Mowqifka dowladda Federaalka ka qaadatay khilaafka dalalka Khaliijka ayaa ah mid cad oo ay ku muujineyso in aanay dhinacna ula safneyn dowladaha khilaafka u dhaxeeya.

Halkan Hoose Ka AKhriso Warsaxaafadeedkaaa

COMMENTS
Latest News