Saxilnews.com
Deg Deg, Dawlada Somaliland Oo Qabatay Hilib U Eeg Beerka Xoolaha Oo Qarsoodi Lagu Soo Galiyey Dalka
October 2, 2017 - Written by suxufi

Wajaale (Saxilnews);-Ciidanka Laanta Socdaalka Degmada togwajaale ee u xuduudka u dhexeeye Somaliland iyo itoobiya ayaa maanta qabtay Hilibka beerka xoolaha kaasi oo si qarsoodi ah loo soo Galiyey dalka Somaliland sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiisha Ciidanka laanta socdaalka magaalada wajaale

waxa kale oo ay sheegeen Saraakiisha Laanta Socdaalka Wajaale in Beerkaasi qarsoodiga lagu soo galinayey dalka Somaliland ay u kala garan waayeen In uu yahay beerka caadiga ee xoolaha islamka Iyo In uu yahay wax aan ahayn xoolaha caadiga ah islamarkaana aanu lahayn cadaymo ama sharciyo lagu garto in uu yahay qaliinka islaamka,

Beerkaasi sharcidarada ku soo galay dalka oo lagu soo guray karaatoon ayaa ciidanka laanta socdaalka Somaliland ay Dab-Ku Gubeen halka ay xabsiga u taxaabeen gaadhigii ay ku qabteen oo ahaa nooca loo yaqaano Noohada.

COMMENTS
Latest News