Saxilnews.com
Deg Deg :- Dawlada Itoobiya Oo War Ka Soo Saartey Isticmaalka Dekada Berbera Iyo Qorshayaasha Ay Itoobiya Ka Leedahay Saamiga Dekada Laga Siiyey
June 1, 2017 - Written by suxufi
Hargeysa (Saxilnews):- Wasiirka gadiidka dalka Itoobiya Mr Axmed Shide ayaa waxaa uu ka

Hadley doonista ay dalka Itoobiya dooneyso isticmaalka dekada Berbera ee Somaliland iyo waliba in ay qeyb ka noqoto maalgashiga saddex geesoodka ah ee Dp World iyo Somaliland .Wargyska Caital ee ka soo baxa caasimada dalka Itoobiya ee Addis Ababa waxaa uu cadadkiisii 29 may soo baxay uu warbixin kaga qoray dekada Berbera iyo isticmaalka la filaayo ee dawlada Itoobiya waxaana uu sheegay In ay Itoobiya ay il gaar ah ku eegeyso in ay ka mid noqoto maal gashiga lagu horumarinayo dekada Berbera .

Wasiirka gadiidka dalka Itoobiya Mr Axmed Shide ayaa wargeyska Capital u sheegay in dawlada Itoobiya dooneyso in la balaadhiyo dekadaha horumarkana la gaadhsiiyo meel kasta oo ka mid ah gobalka geeska Africa .

” Dekada Berbera waxay Badiil u noqon doonta dal bulshadiisu badan tahay si xawli ahna u koraayo sida Itoobiya oo kale , arintan Itoobiya waa ay ku war galisay saaxibadeeda gobalka ” ayuu yidhi wasiirku .

Wasiirka oo hadalkiisa sii wada waxaa uu sheegay in aaney Itoobiya dekada Berbera u arkeen oo kaliya dekad ay isticmaasho balse ay qeyb ka noqoto maalgashiga lagu sameynaayo .

” Arinta Berbera uma tix galino oo kaliya inaanu u isticmaalno dekad , balse waxaanu eegaynaa suurto gal nimada maalgashi saddex geesood ah ” ayuu yidhi wasiirku .

Wasiir Shide oo uu wargeysku weydiiyey inuu ka hadalo saamiga ay madaxtooyada Somaliland sheegtay in Itoobiya laga siiyey dekada Berbera saami dhan 19 %

” waa deg deg in iminka faahfaahin la sheegaa waxaana aanu ku jirnaa wada xaajood ” ayuu yidhi wasiirku

Ugu danbeyn wargeyska ayaa sheegay in Itoobiya dekada Berbera ay iminka u isticmaasho soo dejinta caawimaayinka cunto ee deg deg ah

Source:- Geeska

COMMENTS
Latest News