Saxilnews.com
DEG DEG DAGAAL UDHEXEEYA PUNTLAND IYO GALMUDUG OO KA SOCDA GALKACAYO
November 22, 2015 - Written by admin

Galkacyo (SAXILNEWS)_Wararka ka imanaya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ee wadanka Soomaaliya ayaa sheegaya in saaka subax uu halkaasi uu kasocdo dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamo kala taabacsan maamulada Puntiland iyo Galmudug.

 

Dagaalka ayaa ka socda Xaafada Garsoor gaar ahaan Xadka ay wadaagaan labada Maamulk, waxaana wararku sheegayaan in dagaalku ka dhashay is fahmi waayaa la xariira dhismo wado Laami ah ay halkaasi ka sameenayeen Maamulka Puntiland.

 

Rasaas culus ay is dhaafsanayaan ciidamada labada maamul ayaa laga maqlayaa Magaalada Gaalkacyo, waxaana jira qasaaro dhimasho iyo mid dhaawac oo dagaalka ka dhashay inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn tirada rasmiga ah ee qasaarahaasi.

 

Maamulada Puntland iyo Galmudug oo Ciidankoodu dagaalamayaan ayaan wali ka hadlin dagaalka socda, waxaana jira dadaalo lagu doonayo in dagaalka lagu xaliyo dagaalka saakay kasocda Magaalada Gaalkacyo.

DagaalkaMuqdishoSawiro

 

SAXILNEWS005@GMAIL.COM

COMMENTS
Latest News