Saxilnews.com
Deg Deg :- Dagaal Goor Dhaweyd Ka Qarxay Deegano Ka Tirsan Gobalka Sool , Magacyada Beelaha Dagaalamaya Iyo Deeganka Lagu Dagaalamey .
June 4, 2017 - Written by Saki Adam Suxufi

Laascanood (Saxilnews):- Warar hada soo gaadhaya shabakada Saxilnews.com  waxay sheegayaanin deegaan ka tirsan gobolka Sool uu goordhawayd ka qarxay dagaal beeleed u dhaxeeya laba Beelood oo wada dega deegaankaasi.

 

Waxaana la sheegay in deeganka uu maanta dagaalku ka qarxay uu yahay Adhicadeeye oo dhinaca dhinaca galbeed ka xigtaa magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Dagaalka ayaa deegankaasi waxa uu ku dhex maray labada Beelood ee deegankaasi ku wada nool ee kala ah Reer Cilmi iyo Fuqushini oo hore sidan oo kale shaqaaqo u dhex martay balse heshiis iyo nabad laga dhex dhaliyey.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada qaranka Somaliland ee ku sugan deegaanka ayaa markiiba kala dhex galay labadab beelood balse ilaa hada waxaa la maqlayaa rasaas goos goos ah oo ay labadan beelood is weydaarsanayaan

Si kastaba ha ahayee Ilaa hadda lama garanayo waxa sababay inay dib usoo laba kaclayso shaqaaqadani , waxaana ka dhashay shaqaaqadan kasaare lagu sheegay hal qof oo dhawaac ah

COMMENTS
Latest News