Saxilnews.com
Deg Deg :-Daawo Xildhibaan Obama Oo Ka Hadley In Uu Ka Mid Yahay Siyaasiyiinta Ku Hirdamaya Kursiga Gudoomiyaha Kulmiye Iyo In Kale
October 27, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

Hargeysa (Saxilnews):-  Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi Obama oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland  ayaa waxaa uu markii ugu horeysay ka hadley in uu ka mid yahay siyaasiyiinta Ku  hirdamaya  hanashada kursiga gudoomiyaha Kulmiye .

Xildhibaan Obama waxaa uu sheegay in aanu wakhti xaadirkan u tartameen kursiga gudoomiyaha Kulmiye , isla markaana aanu jirin  wax tartan ah oo  xiligan ka dhex  jira xisbiga Kulmiye dhexdiisa .

Sidoo kale xidhibaanka ayaa waxaa uu sheegay  mar kale in aanu u tartami doonin kursiga gudoomiyaha golaha wakiilada marka uu baneeyo Musharax Cabdiraxmaan Ciro .

Maxamed Cali Xirsi Obama ayaa gabo gabadii waxaa uu sheegay in xisbiga Kulmiye uu leeyahay  ku dhaca ah in uu gudoomiye nimada siyaasi ku wareejiyo balse aan wakhtigeedii la gaadhin

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

COMMENTS
Latest News