Saxilnews.com
Deg Deg Daawo:- Taliye Ku Xigeenka Saldhiga Dhexe Ee Magaalada Burco Oo La Dhaawacey Iyo Cida Dhawaacdey .
May 31, 2017 - Written by suxufi
Burco (Saxilnews):- Askar ka mid ah saldhiga dhexe ee magaalada Burco isla markaana uu hogaaminaayeymadaxa hawl galinta ciidanka Booliska ee Gobalka Togdheer isla markaana uu ku wehelinaayey Taliye ku xigeenka saldhiga dhexe ee magaalada Burco ayaa waxaa ay ku baxeen hawl gal ay ku soo qab qabanayeen rag la sheegay in ay ka ganacsadaan Maandooriyaha Khamriga

Hawl galkan lagu soo qab qabanaayey ragaasi khamriga ka gacansada ayaa waxaa ku dhawaacmey taliye ku xigeenkii saldhiga dhexe ee magaalada Burco ka dib markii ay xabad soo rideen , taas oo taliyaha hada xaaladiisa caafimaad lagula tacaalaya cisbitalka Burco.
Taliyaha ayaa la sheegay in xabada ay kaga dhacdey dhanka feedha isla markaana waxaa la filayaa in hada loo sameeyo qalniin xabadaasi lagaga soo saarayo

COMMENTS
Latest News