Saxilnews.com
Deg Deg Daawo:- Mid Ka Mid Ah Maayarada Somaliland Oo Maanta Xilki Laga Qaadey Iyo Mid Cusub Oo La Doortey
May 27, 2017 - Written by suxufi
Borama (Saxilnews):- 12 Xildhibaan oo ka mid ah xildhibaanada golaha deeganka magaalada Saylacayaa waxaa ay saaka si rasmi u qabsadeen kal-fadhi aan caadi aheyn waxaana ay halkaasi cod gacan taag ah xilkii kaga qaadeen Maayarkii degmada Saylac Xussen Iidle Barkhadle .

Kalfadhigan aan caadiga aheyn ayaa waxaa ka soo qeyb galay badhasaabka gobalka Salal , xoghayaha dawlada hoose iyo saraakiisha ciidamada qaranka ee halkaasi ku sugan

Xildhibaanada ayaa waxaa ay sidoo kale cod gacan taag ah ugu doorteen in uu noqdo maayarka degmada Saylac xildhibaan Sacad Daahir Cige oo hore u ahaa maayar ku xigeenka degmadaasi .

COMMENTS
Latest News