Saxilnews.com
Deg Deg Daawo:- Gudoomiye Ciro Oo Hada Ka Hadlay Mudaharaadka Berbera , Xeerka Baananka Ee Muranka Dhaliyey
March 12, 2017 - Written by suxufi

Hargeysa (SaxilNews)- Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani isla markaana ah musharaxamadaxweyne ee xisbigaasi waxaa uu goor dhaweyd  ka hadley mudaharaad saaka ka dhacay magaalada Berbera , Xeerka muranka dhaliyey ee Bananka iyo ujeedka safar uu ku tagi doono dalka Ingiriiska

Musharax Cabdiraxmaan Ciro oo wareysi gaar ah siiyey Saxafi Xamse Cali Bulbul oo ka tirsan Telefishanka HCTV waxaa uu sheegay in ay xukuumadu isku sii deysay shaqaliihi dekada iyo shirkada la wareegtay dekada  kaas oo sababey mudaharaadka saaka ,  waxaana uu xukuumada ugu baaqay in  waxii gaf ah ee shaqaalaha lagu sameeyo ay ka qabato

 

Sidoo kale Muddane Ciro ayaa waxaa u sheegay in uu martiqaad rasmi ah uu ka helay guriga lagu falanqeeyo arimaha siyaasada ee Chatom house isla markaana uu dhawaan halkaasi tagi doono kagana hadali doono arimaha Somaliland

Cabdiraxmaan Ciro waxaa uu sidoo kale carabka ku dhuftey in xukuumadu golaha wakiilada u soo gudbisay isla markaana aanu golahaasi ansixin doonin waxii ka hor imanaaya sharciga diinta islaamka

Dhinca kale Cabdiraxaan Ciro waxaa uu xukuumada ku eedeyey in u adeegidii bulshada ay abaaruhu ku dhufteen ay ka gaabisay oo ay kaga mashquushay u jawaabida xisbiga Waddani

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

COMMENTS
Latest News