Saxilnews.com
Deg Deg Daawo:- Gudoomiyaha Guurtida Somaliland Oo Iminka Ku Dhawaaqey In Aan Xiligan Doorasho La Gali Karin Iyo Sababta Oo Uu Sheegay
June 1, 2017 - Written by suxufi

Hargeysa (Saxilnews):- Gudoomiyaha Golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan oo maantawarbaahinta kula hadley xafiiskaa waxaa uu sheegay in inta xanuunka shuban biyoodku uu ka jiro magaalada Burco iyo dalkaba aan doorasho la gali karin

Gudoomiyaha ayaa waxaa uu alleh ka baryey in xanuunkaas shuban biyoodka ah dadkiisa ka caafiyo isla markaana aanu sii faafin

” Doorashadii ma dhawa, inta ka horeysa ayeynu alleh ka baryeynaa in uu naga qaado , hadii aanu kicin xanuunkaasina waxba inaga hadhi maayaan iyada oo uu xanuunkaasi jirana doorasho gali meyno” Ayuu yidhi gudoomiyaha guurtidu

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

COMMENTS
Latest News