Saxilnews.com
Deg Deg Daawo :- Ciidanka Booliska Oo Gacanta Ku Soo Dhigay Eedeysane Dhaawac U Geystay Taliyihii Degmada Maxamuud Haybe
March 8, 2017 - Written by suxufi

Hargeysa (Saxilnews):- Ciidanka Booliska Somaliland ayaa waxaa ay xalay abaaro 2:30 daqiiqo ay gacanta ku soodhigeen eedeysane dhaawac u geystay taliyihii saldhiga Maxamed Mooge

Waxaa warkan shabakada Ilaysnews.com u xaqiijiyey taliyaha ciidanka Booliska Somaliland Sareeyo Cabdilaahi Fadal oo khadka telefoonka ay kula xidhiidhay Ilaysnews.com

 

Taliyaha ayaa waxaa uu sheegay in ciidanka Boolisku ay gacanta ku soo dhigeen Gaashaanle Yuusuf Cismaan Daanyeero iyo laba wiil oo uu isaga oo ku sugan  deeganka gobalka Gabilay , isla markaana taliye Fadal ayaa waxaa uu sheegay in eedeysanaha la qabtey uu dhaawac fudud ka qabo lugta gaar ahaan adinka hoose

Image may contain: 8 people, people standing
Gaashanle Yuusuf Daanyeero ayaa waxaa uu ka tirsan yahay ciidanka laanta Socdaalka Somaliland

 

COMMENTS
Latest News