Saxilnews.com
Deg Deg :- Culimada Timo Weynta Oo Iminka Soo Saaray War-Saxaafadeed , Gaashankana Ku Dhuftey Guddi Culimo Ah Oo Dhawaan Madaxweyne Siilanyo Magacaabey
June 15, 2017 - Written by suxufi

Hargeysa (Saxilnews):- Culimada Ahlu-Suna Waljameeca ee Somaliland ayaa waxaa ay kulan balaadhanku yeesheen Magaalada Hargeysa waxayna si Adag Ugu Dadafeeyeen isla markaana ay uga hor yiadeen 12 Kii Xubnood ee Dhawaan Madaxweynaha Somaliland U Magacaabey Guddida Golaha Culimada.

Image may contain: 2 people, people sitting and indoor

Sidoo Culimada Ahlusuna Waljameeca ee Somaliland waxay soo saareen bayaan ka kooban 5 Qodob isla markaana ay kaga hadlayaan 12 Xubnood ee loo Magacaabey Guddida Golaha Culimada Dalka.

Waxaana qodobadaasi ay u dhignayeen sidan :-

1.In Aaney guddidaasi waafaqsaneen dastuurka Jamhuuriyada Somaliland Tiro ahaan iyo shuruud ahaanba

2.In Aan Guddidaas lagu qeybin si cadaalad ah oo siman balse ay yahiin koox kaliya

3.In ay guddidaas ka mid yahiin rag xanbaarsan fikiradaha xag jirka ah

4.In aaney matali Karin mad habdkii iyo caqiidadii dalkani lahaa

5.In aany magacaabidoodu ku habooneen wakhti xaadirkan kala guurka lagu jiro

Halkan Hoose Ka Akhriso War Saxaafadeedka AY Soo Saareen

Image may contain: text

 

COMMENTS
Latest News