Saxilnews.com
DEG-DEG}:-CIIDAMADA BOOLISKA GOBOLKA TOGDHER OO XABSIGA U TAXAABAY XUBNO KAMID AH GANACSATADA BURCO+QIIMIHI SARRIFKA BURCO OO HOOS U DHAC KU YIMID +SABABTA
April 13, 2017 - Written by Cabdiqani Deeq

(Saxilnews)Sixirka Sarifka Iyo Maciishada gobolka togdher Ayaa si Laba jibaar ah Sarre ugu kacay Sida Gobolada Kalle ee Somaliland ,Xaruunta Warqabadka Shabakada Caalamiga ah ee Gabilay Today Ayay Warar ay Soo Gaadhsiyeen Goor dhawayd ganacsato kamid ah ganacsatada ka ganacsata sarrifka lacagaha qalaad noo xaqiijiyeen
In Ciidamada Booliska Gobolka Togdher Xabsiga Utaaxaabeen Qaar Kamid Xubnaha Urur ay Ku Midaysan Yihiin Sariiflayaasha Magaalada Burco
Xubanaha Xabsiga Loo Taxaabay Ayaa ah ganacsato siwayn looga yaqaano gudaha magaalada burco kuwaaso kaganacsada sarrifka iyo meherado kalle
Dhawaan ayay ahayd Markii ay sarriflayaashu samaysteen urur kaaso ay kamamulaan qiimaha sarifka maagalada Burco
Balse xukuumada Axmed Siilanyo Ayaan kawar hayn ururkani iyo sida ay u maamulaan qiimaha sixir bararka
Ciidamada Booliska gobolka togdher ayaa ku raad jooga xubno kalle oo kamid ah maamulka ururkaasi
balse galabta ayaad mooda in qiimihii hore hoos looga dhigay qiimihii sarrifka kadib xadhiga loo gaystay xubnahan
iyo banaanbaxyada kalle ee hargaisa iyo bebera ka qabsoomay
lama xaqiijin karro in qiimuhu uu intaa ku eekaado iyo in kalle balse tani ayaa cadaynaysa in ganacsato ay xukunto qiimaha sarrifka oo aan xukuumada iyo shacabka toona aan wax laga dhagaysanaynin
arimaha sixirbararka ayaa ah qodobka ugu hadalhaynta badan goobaha laysugu yimaado iyo xaruumaha ganacsiga gobolka tolgdher

COMMENTS
Latest News