Saxilnews.com
Deg Deg :- Baarlamaanka Dalka Somaliya Oo U Codeeyey In Ay Ansixiyaan Raysal Wasaaraha Cusub Ee Dalkasi
March 1, 2017 - Written by suxufi

 

Moqdisho (Saxilnews):- Kal-fadhigii koowaad ee baarlamaanka dalka Somaliya ayaa waxaa saakasi rasmi ah u furay madaxweynaha dalka Somaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo .

 

Kal-fadhigan ayaa waxaa ay mudanayaashu ku ansixiyeen raysal wasaaraha cusub ee dalka Somaliya Xassan Cali Khayre waxaana fadhigan ka soo xaadiray 231 xildhibaan cid diiday ma jirto , cid ka aamustey waxaana sidaas ku ansaxay raysal wasaaraha cusub ee dalka Somaliya .

 

Raysal wasaaraha ayaa waxaa xildhibaanada hortooda ku dhaariyey gudoomiyaha maxkamada sare ee dalka Somaliya

COMMENTS
Latest News