Saxilnews.com
Dawladda Turkiga Oo U Yeedhtay Safiirka Jermalka U Fadhiya Dalkeeda + Sababta 
March 3, 2017 - Written by suxufi

Ankara (Saxilnews):- Dawladda Turkiga ayaa u yeedhtay danjiraha dalka Jermalka u fadhiya magaalada Ankara,iyada oo ka cabanaysa baajinta khudbad uu wasiir Turki ah u jeedin lahaa dad ku sugan magaalo Jermalka ku taala.

Wasiirka cadaaladda ee Trurkiga Bekir Bozdag ayaa khudbad u jeedin lahaa dadka Turkida ah ee qurbajoogta ku ah magaalada Gaggenau isaga oo taageere u muujinaya isbadallada muranka dhaliyay ee madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.

 

Laakiin maamulka deegaankaas ayaa ruqsaddii kala noqday isu soo baxaas, iyaga oo sheegay in goobta lagu qabanayay aysan qaadi karin dad badan.

Dawladda Turkiga ayaa xirtay todobaadkii hore saxafi haysta dhalashada Jermalka oo Turkiga u dhashay, taas oo uga sii dartay calaaqaadka labada dal.

COMMENTS
Latest News