Saxilnews.com
Dawladda Shiinaha Oo Qorsheeneysa Dhismaha Waddo Tareen Oo Isku Xidhay Somaliya Iyo Kenya + Sawiro
January 8, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

Nairobi (SaxilNews):- Dowladda Shiinaha ayaa balaadhineysa mashaariicdeedadhisme ee ay ka wado wadamada ku yaala bariga qaarada Africa, waxaana ku baxaya balaayiin doolar.

Image may contain: plant, bridge, tree, sky, outdoor, nature and water

Sida uu baahiyay CNN TV , dowladda Shiinaha ayaa dooneysa inay dhisto wado tareen oo isku xidheysa magaalada Kismaayo ee dalka Soomaaliya iyo degmada Lamu ee dalka Kenya.

Bishii octobar ee sanadkii la soo dhaafay Shiinaha ayaa furay dhismaha waddo tareen oo isku xidheysa wadamada Ethiopia iyo Jabuuti.

 

Waddadaasi oo dhererkeeda uu gaadhaysa 750 KM ayaa waxaa ku baxay dhaqaalo gaadhaya 4 bilyan oo doller

Waxaa dhaqaalaha iyo dhismahaba qeyb ka qaadanaya shirkado laga leeyahay dalka Shiinaha, waxaana dhawaan la filayaa inay furaan waddo tareen oo isku xidheysa dalalka Kenya iyo Sudan.

Sidoo kale waxay qorsheynayaan inay dhisaan waddo tareen oo isku xidhta magaalooyinka Mombasa iyo Nairobi ee dalka Kenya.

Qorshaha kale ee shirkadaha Shiinaha ayaa ah inay dhisaan waddooyin isku xidha dalalka Sudaanta koofureed, Uganda , Rwanda iyo Burundi, iyadoo qorshaha uu yahay isku xirka shacabka dalalka Africa, sida ay sheegeen masuuliyiin u hadlay Shiinaha.

Qorshaha laga leeyahay dhismaha waddada tareen ee isku xidheysa magaalada Kismaayo iyo Lamu ayaanan laga bixin xog dheeraad ah.

Laakiin waxaa hadafka guud lagu sheegay in fursad loo helaa in magaalooyinka dekadaha leh si toos ah dhaqdhaqaaqooda loo helaa.

COMMENTS
Latest News