Saxilnews.com
DAWLADDA CIRAQ OO SHEEGTAY INAY SOO GABAGABEEYSAY DAGAALKII DAACISH
December 10, 2017 - Written by editor

Ciraaq:-(SAXILNEWS.COM) Raysal Wasaaraha dalk Ciraq Haider al-Abadi ayaa ku dhowaaqay maanta in ay guul ka gaareen dagaalkii ay muddo saddex sano ah kula jireen ururka daacish.

Al-Abadi ayaa sheegay in ay ciidamadiisu ay  maamulaan xadka ay dowlada Ciraq la leedahay wadanka Siiriya.

“Waxaan gebi ahaanba la wareegnay maamulka xadka aan la leenahay wadanka Siiriya sidaa darteedna waxaan ku dhowaaqayaa in uu dhamaaday dagaalkii aan kula jirney ururka Daacish.”ayuu yiri ra’iisul Wasaaraha Ciraaq.

Ururka Daacish ama IS ayaa qabsaday dhul balaaran oo Waqooyiga iyo Galbeedka Ciraq sanadkii 2014.

Khamiistii aynu ka soo gudubnay ayaa sidoo kale dowlada Ruushka waxa ay ku dhowaaqday in kaalmadii ay ka geysanaysay la dagaalanka IS ee dalka Siiriya uu soo dhamaaday kadib markii gebi ahaanba laga xoreeyay dalka Siiriya.

Dagaalka ay kula jirtey dowlada Ciraq ururka IS ayaa waxaa ka qeybgalay maleeshiyo Shiico ah oo ay xukuumada Iran soo tababartay.

Howlgalada lagula dagaalamayay ururka IS ayaa waxaa ka qeybgalay ciidamo gaaraya 30,000 kuwaasoo dib u qabsaday magaalooyin waaweyn oo ay ka mid ahayd  magaalada Mosul.

COMMENTS
Latest News