Saxilnews.com
Dawlada Turkiga Oo Markab U Soo Dirtey Somaliya Iyo Waxyaabaha Uu Sido + Sawiro
June 5, 2017 - Written by Saki Adam Suxufi

Moqdisho (Saxilnews):- Dowladda Turkiga ayaa Markab weyn oo sida deeq

kala duwan oo raashin ah u soo dirtay Soomaaliya.

Markabkan ayaa sida raashin gaadhaya 13,000 tan oo cunto iyo gargaar bani’aadamnimo isugu jira, wuxuuna shalay kasoo ambabaxay dekadda gobolka Mersin ee Koonfurta dalkaasi.

Image may contain: water and outdoor

 

Xaflad lagu sagootiyay markabka oo ka dhacday dekadda Tasucu ayaa ku xigeenka Ra’iisal wasaaraha dalkaasi Veysi Kaynak uu ka sheegay in Turkiga aysan kaliya gargaar ku caawineynin Soomaaliya ee mashaariic kala duwan ay oo horumarineed ay ka wadaan Soomaaliya, isla markaasina ay tababari doonaan ciidamada ammaanka si loola dagaalamo argagixisada.

Image may contain: 3 people

Gargaarka oo ah kii ugu badnaa ee markab qura lagu raro ayaa waxaa iska kaashaday Bisha Cas ee Turkiga, hay’adda TIKA iyo hay’adda kale ee AFA

COMMENTS
Latest News