Saxilnews.com
Dawlada South Afrika Ayaa Sheegtay Inay Tahli Wayday Wax Ka Qabashada Amniga Wadanka South Afrika
April 19, 2015 - Written by admin

Hargaysa (Saxil News.com)-Dawlada South Afrika Ayaa Sheegtay Inay Tahli Wayday Wax Ka Qabashada Amniga Wadanka South Afrika

Qaar ka mid ah wadamada Afrika ayaa bilaabay inay muwaadiniintooda kala baxaan Koofur Afrika, kadib markii uu sii xoogeystay weerarada ka dhanka ah dadka Ajnabiga ah ee ku sugan dalkaas.

image

Tani ayaa waxay ku keeni kartaa in wadamo badan oo xiriir wanaagsan la lahaa Koofur Afrika inuu xiriirkooda xumaado, markii muwaadiniintooda Koofur Afrika ay bilaabeen weerarada ay ku bartilmaameedsanayaan dadka Ajnabiga ah.

 11102942_716292051815575_898393265617190766_n

Dalalka Malawi, Burkina Faso iyo Zimbabwe ayaa bilaabay inay muwaadiniintooda la baxaan, iyagoo ka cabsi qaba in dhibaatooyin ay ku soo gaarto.

Rabshadahan ayaa saameeyay magaalooyin badan oo ku yaala dalka Koofur Afrika, waxaana ciidamo fara badan loo diray, si ay xaalada u dejiyaan, iyadoo ciidamada booliska ay adeegsanayeen sunta gaaska ee indhaha ka ilmeysiisa, si ay u kala eryaan dadka Koofur Afrika ee rabshadaha wada.

Ilaa iyo hadda waxaa u geeriyooday rabshadahan ka dhanka ah dadka Ajnabiga ilaa shan ruux oo ajnabi ah, waxaana la boobay dukaamo ku yaala magaalada Johannesburg iyo magaalooyin kale.

11173345_879243365466637_8598458495731199121_n

 

Madaxweynaha Koofur Afrika Jacob Zuma ayaa cambaareeyay rabshadaha, waxaan uu ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyay. Dadka madowga ee Koofur Afrikaanka ayaa boob u geysanaya dukaamada ay leeyihiin dadka ajnabiga ah, waxaana ay ku andacoonayaan in dadka ajnabiga ay kala wareegeen ganacsigoodii iyo shaqooyinkooda.

COMMENTS
Latest News