Saxilnews.com
Dawlada Somaliya Oo Si Cadho Leh Uga Hadashey Amarkii Ka Soo Baxay Madaxweyne Donald Trump
January 31, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

 

Moqdisho (Saxilnews):- Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya C/salaam Cumar Hadliye, ayaa ka hadlayAmarka kazoo baxay Madaxweynaha Doowlada Mareeykanka Donald Trump ee uu 7 wadan oo ay Soomaaliya kamid tahay uga mamnuucay ineey qaxooti ahaan ku galaan Mareeykanka.

Wasiir Hadliye oo isagoo ka qeyb galaya shirka madaxda Afrika ee Addis-Ababa kasocda ayaa isagoo wareysi gaar ah siinayay Idaacada VOA-da waxa uu sheegay in Doowlada Soomaaliya ay si aad ah uga xuntahay amarka ka soo baxay madaxweynaha Mareeykanka.

 

“Guud ahaan Soomaaliya waa ka xunahay in wadamo hada kasoo baxaaya dhibaato oo horay u socda dadkiisuna ay yihiin dad shaqaysta farta lagu soo fiiqo, waxaana rajeeyneynaa in Doowlada Mareeykanka ay arintaan dib uga laabato” ayuu yidhi wasiir Hadliye.

Wasiir Hadliye ayaa isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay in wadan walbo oo Caalamka kamid ah uu xaq u leeyahay inuu ka tashada Immigration-kiisa.

COMMENTS
Latest News