Saxilnews.com
Dawlada Qatar Oo La Baxdey Ciidamo Ka Joogay Xuduudaha Dalalka Jabuuti Iyo Eretria +Tiradooda 
June 14, 2017 - Written by suxufi

Doha (Saxilnews):- Dawlada Qatar ayaa waxaa ay shaacisay in ciidamo ay tiradooda ku sheegtay 450 Askariay kala baxdey xaduudka labada dal ee Jabuuti iyo Eretria

 

Qatar waxaa ay shegtay in ay arintanu ku war galisay dalalka Jabuuti isla markaana u sheegay in ay la baxayso ciidamadeeda

 

Ciidmadan ay la baxdey dalka Qatar ayaa waxaa ay halkaas la geeyey sanadki 2010 markii uu dagaal ka dhex dhacay labadan wadan ee Jabuuti Iyo Eretria

Jabuuti ayaa dhawaan hoos u dhigtay xidhiidhkii ay la laheyd dalka Qatar isla markaana waxaa ay tageertay huwanta uu hogaaminaayo dalka Sucuudigu .

Wasaarada warfaafinta Eritrea ayaa iyaduna sheegtay in ay la safatey dalalka carabta ee xidhiidhka u jaray dalka Qatar .

Ma aha marki ugu horeysay ee dalka Qatar uu ciidamo la baxo waxaa aheyd todobaadkii hore markii ciidamo kala baxay dalka Sucuudiga kuwaas oo hor fadhiyey jabhada xuutiyiinta

COMMENTS
Latest News