Saxilnews.com
Dawlada Mareykanka Oo Xayiraadda Ka Qaaday …..
July 3, 2017 - Written by suxufi

USA (Saxilnews):- Dowladda Mareykanka ayaa axaddii shirkadda diyaaradaha ee Etihad ee dalkaImaaraadka ka qaaday xayiraadihii laga saaray in dadka soo raacaya ay soo aadaya Mareykanka ay lasoo koraan laptop-yada.

No automatic alt text available.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay kadib markii Mareykanka ay sheegeen in diyaaraddaas ay hir-gelisay tallaabooyin amni oo adag.

 

Xayiraaddan ayaa waxaa la hirgeliyey bishii march, waxaana la saaray 10 garoomo diyaaradeed oo bariga dhexe ku yaalla, kadib markii laga cabsaday in argagixisada ay laptop-yada u adeegsadaan inay qaraxyo ku fuliyaan.

Shirkadda Etihad oo toddobaadkiiba sameysa 45 duulimaad oo u dhaxeeya magaalada Abu Dhabi, oo xarun u ah, iyo Mareykanka ayaa soo dhaweysay tallaabadan.

Afhayeen u hadlay Waaxda Amniga Gudaha Mareykanka, ayaa ku ammaanay shirkadda inay hir-gelisay hab cusub oo amniga lagu sugo, ayna tusaale u tahay diyaaradaha kale.

Xayiraaddan ayaa waxa ay weli saaran tahay diyaaradaha Mareykanka tooska u aada ee ka baxaya garoomo ku yaalla dalalka, Jordan, Kuwait, Egypt, Turkey, Saudi Arabia, Morocco, Qatar, iyo Dubai.

COMMENTS
Latest News