Saxilnews.com
Dawlada Maraykanka Oo Qorshaynaysa Isbadal Lagu Sameeyo Sharciga Hubka Iyo
March 24, 2018 - Written by indho indho

Hargeisa(Saxilnews.com) Saturday, March 24, 2018 12:14:55
Dawlada Maraykanka Oo Qorshaynaysa Isbadal Lagu Sameeyo Sharciga Hubka Iyo

Maamulka madaxwayne Donald Trump ee dalka maraykanka ayaa qorshaynaya in ay mamnuucan qalab qoryaha lagu rakibo si ay darandoori ugu dhacaan.

Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Mareykanka, Jeff Sessions, ayaa ku dhawaaqay qorsha wax lagaga badalayo shuruucda hubka iyo in si rasmi ah loo mamnuuco qalabka lagu rakibo qoryaha taasi oo suuragal ka dhigaysa in uu si darandoori ah u dhaco.

Aaladan ayaa waxaa loo isticmaalay bishii October toogashadii ka dhacday hotel ku yaalla Las Vegas, halkaasi oo 58 qof ay ku dhinteen

Mr Sessions ayaa sheegay in tillaabadani ay tahay mid muhim ah si loo yareeyo rabshadaha ka dhasha hubka.

 

COMMENTS
Latest News