Saxilnews.com
Dawlada Jabuuti Oo Ka Hadashey Saameynta Dekadooda Ay Ku Yeelan Karto Maalgashiga Dp World Ku Sameynayso Dekada Berbera .
June 3, 2017 - Written by suxufi

Hargeysa (Saxilnews):- Dawlada Jabuuti ayaa markii ugu horeysay waxaa ay ka hadashey saameyntamaalgashiga shirkada Dp World ku sameysay dekada Berbera yeelan karto dekada Berbera .

 

Waxaana ay dawlada Jabuuti ay sheegtay in ay soo dhaweynayso artan caafimad qaba oo dhex mara dekadaha gobalka .

Gudoomiyaha maamulka dekada Jabuuti Abuukar Cumar Xadi oo u waramey wargeyska Capital oo ka soo baxa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in aanu dalkiisu ka walaacsaneen hadii ay Itoobiya isticmaasho dekada Berbera .

Mr Abuukar oo la weydiiyey saameynta ay dekada Djabuuti ku yeelan karto doonista ay Itoobiya dooneyso in ay isticmaasho dekada Berbera ayaa sheegay in dawlada Jabuuti iyo Guddida maamulka dekada Djabuuti ka war warsaneen qorshaha ay Itoobiya ku dooneyso in ay isticmaasho dekada Berbera .

” Kama warwareyno sababtoo ah Itoobiya xajmigeedu si dhaqso ayuu u korayaa sannad kasta ” ayuu yidhi madaxa dekadaha ee dalka Jabuuti waxaana uu intaas sii raaciyey

” Hadii uu jiro tartan xor iyo xalaal ahi markaas maalgashi badan ayaanu sameynaynaa shirkadaha Itoobiyana waxay barbar dhigi karaan damacooda meelaha kale ”

Dawlada Djabuuti ayaa waxaa ay u muuqata in ay ka gaashaamaneyso saameyn kasta oo dekada Berbera ay ku yeelan karto iyo Itoobiya na ah dalka ugu balaadhan ee dhinac waliba doonaayo inuu kalsoonadiisa kasbado.

Dawlada Somaliland ayaa dhawaan sheegtay in 19% dekada Berbera laga siiyey dawlada Itoobiya , si loo soo jiido waxyaabaha ay Itoobiya dhoofiso ama ay la soo degto

Source:- Geeska

COMMENTS
Latest News