Saxilnews.com
Dawlada Itoobiya Oo Safiir Cusub U Soo Magacowdey Mid Ka Mid Ah Dalalka Somalida
March 9, 2017 - Written by suxufi

Moqdisho (SaxilNews):- Dowlada Itoobiya ayaa safiir cusub oo wakiil uga noqonaya

Soomaaliya soo magacowdey, waxaana xilka laga qaaday safiirkii hore ee Dowlada Soomaaliya u fadhiyay magaalada Muqdisho.

Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Itoobiya ayaa loo magacaabay Jamaaludiin Mustafa Cumar oo horey u ahaa safiir ku xigeenka Itoobiya ee Soomaaliya sidoo kale ahaa Wakiilka gaarka ah ee Dowladda Itoobiya u qaabilsan arrrimaha Soomaaliya.

Wakaaladda Wararka Itoobiya ee ENA ayaa baahisay in Madaxweynaha dalka Itoobiya Mulatu Teshome, Warqad xafiskiisa kasoo baxday lagu magacaabay safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhiyi doona dalka Itoobiya.

 

Dowlada Itoobiya ayaa safaarad ku leh Soomaaliya gaar ahana magaalada Muqdisho, waxaana isbadalka lagu sameeyay safiirkii hore uu imaanayaa xili Soomaaliya ay ka dhacday isbadal lana doortay hogaan cusub.

COMMENTS
Latest News