Saxilnews.com
Dawlada Ingiriiska Oo Kala Cadeysay In Ay Aqoonsan Tahay Madax Banaanida Somaliland Iyo In Kale .
July 2, 2017 - Written by suxufi
Hargeysa (Saxilnews):- Safiirka dawlada Ingiriiska u qaabilsan dalalka Somaliland iyo SomaliyaDavid Concar ayaa waxaa uu sheegay in inkastoo aanu Ingiriisku aqoonsaneyn Somaliland hadana uu Ingiriisku la dhacansan yahay Somaliland

 

Danjire David Concar oo wareysi siiyey idaacada BBC-da ayaa su,aalaha la weydiiyey waxaa ka mid ah mawqifka Ingiriiska ee Madax banaaninada Somaliland waxaana uu safiirku ku Jawaabey

” Sida aad adiga iyo dadka Soomaliyeed ee badankinu ogsoontihiin , ma aqoonsanin dalal kale oo badana uma aqoonsana Somaliland inay tahay dal xor ah oo madax banaan . lakiin waanu la dhacsanahay waana aanu taageersan nahay anaga oo sameynayna waxii awoodayada ah si aanu xukuumada Moqdisho ugu dhiiri galino inay maamulka Hargeysa la yeelato xidhiidh wax dhisa , waxaana aan rajeynayaa in ay xili dhaw ka wada shaqeyn doonan sii walba oo ay intan iska sii dhaw yahiin arimo khuseeya dadka Somaliya iyo kuwa Somaliland sida Waxbarashada , Caafimaadka , Hanaanka Sirdoona iyo waxii la mid ah , waxaa jira arimo badan oo wada hadal kaliya aan aheyn lakiin ay si fiican iskaga kaashan karaan Somaliland-ta Hargeysa iyo xukuumada fadhigeedu yahay Moqdishi ” ayuu yidhi Safiirku

Source:- Geeska

COMMENTS
Latest News