Saxilnews.com
Dawlada Hoose Ee Hargeysa Oo Ku Fashilantay Dhisida Iyo Dayactirka Wadooyinka Caasimada Hargeysa Oo Burbur Iyo Dayactir La’aan Baahsani Ka Muuqato + Sawiro
June 9, 2017 - Written by suxufi

Hargeysa(Saxilnews)Dawladda hoose ee Hargeysa waxaa maayirkii ugu horeeyey ka noqday alle ha naxariistee Aadan cumar Fure . aaTani iyo xiligaa waxaa xilalka maayarnimo iskaga kala danbeeyey Saddex iyo Labaatan maayir oo dhamaantood ka soo wada qayb qaatay horumarka iyo dhismaha dawlada hoose ee Hargaysa si dadweynaha ku dhaqan caasimadu u helaan adeegyada aas,aasiga ah ee ay ka mid yihiin , Biyaha, Caafimaadka , Waxbarashada , Wadooyinka iyo qorshe u samaynta magaalada mustaqbalka dhaw iyo ka fogba.
Magaalada Hargeysa oo ah caasimada Somaliland isla markaana ah muraayadda kaliya ee laga dheehan karo Somaliland ayaa waxa ka jirta qorshe la’aan dhanka maamulka dawlada Hoose ee caasimada Hargeysa ah iyada oo ay wadooyinka Caasimada Hargeysa badankooda uu ka muuqdo burbur iyo goo’go laxaadle,kuwaas oo magaalada ka dilay bilicdii ay lahayd.
Maamulka dawlada Hoose iyo xildhibaanada golaha deegaanka caasimada ayaa iyagu ku fashilmay inay wax ka qabtaan isla markaana ay dayactir iyo dib u habayn ku sameeyaan wadooyinka waa wayn ee caasimada Hargeysa,waxaaa wadooyinkaasi ka mid ah wadada wayn ee daba marta cusbitaalka magaalada Hargeysa oo ah wadada kaliya ee ay maraan gawaadhida u socda dhinaca galbeed ee magaalada Hargeysa,waxaana wadadaas ka muuqda burbur laxaadleh iyada oo dhib badan ku haysa gaadiidleyda mara wadadaas,waxaana maamulka dawlada Hoose ee caasimada Hargeysa ku fashilmeen wax ka qabashada wadooyin badan oo hawl bowle ah oo burbur iyo dayac badani ka muuqdo,sidoo kalena waxa iyadu kamid ah wadooyinka il qabatayga ah ee Burburku ka muuqdo wadada hormarta dugsiga waxbarasho ee Sheekh Bashiir taas oo ay ka muuqato burbur la xaadleh.
Dhinaca kale qaar kamid ah wadooyinka waa wayn ee caasimada Hargeysa ayaa waxa burburka iyo dayaca u dheer in ay hareerahooda yaalaan qashin badan iyo waliba gaadiid iskaraab ah oo xumaaday,sidoo kalena wadooyinka qaar ayaa waxa fadhiista biyo badan oo ka dhashay Roobka ka da’a Hargeysa kuwaas oo mararka qaarkood noqda kuwo Uraya,waxaana ay maamulka dawlada Hoose ee Caasimada Hargeysa ay tahli kari waayeen inay ka guraan madaama goobahaas oo kale ay ka dhalan karaan xanuuno.
Sidoo kalena maamulka dawlada Hoose ee caasimada Hargeysa oo uu hogaaminayo maayarka caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Soltelco ayaa waxay dhawaan soo iibiyeen gaadiidka tiro badan oo ah gaadiidka waa wayn ee lagu dhiso wadooyinka,waxaana gaadiidkaasi sida uu maayarka caasimadu sheegay ku baxay qadar lacaga oo Malaayiin Kun oo Dollar ah kuwaas oo loogu talo galay in lagu dayac tiro wadooyinka Caasimada,balse nasiib daro gaadiidkan ayaan habayaraatee wax shaqo ah lagu qaban,waxaana ay iska dhex yaalaan gudaha dawlada Hoose ee caasimada Hargeysa,iyaga oo wararka qaar sheegayaan in gaadiidkaa qaar kamid ah ay ku shaqaystaan shirkado gaar ah oo ah kuwa dhisa guryaha.
Bulshada magaalada Hargeysa ayaa iyagu aad u dhaliila golaha deegaanka Caasimada Hargeysa iyaga oo sheegay inay golahani yihiin kuwii ugu liitay ee soo mara caasimada tan iyo sanadkii 1991,waxaana golahani ay ku fashilmeen hirgalinta iyo taabogalinta qorshayaashii ay bulshada ku beer laxawsanayeen markii ay ku jireen ololihii doorashada ee golayaasha deegaanka Somaliland ee qabsoontay 2012-kii.
Xildhibaanada golaha deegaanka Caasimada Hargeysa ayaa hawlihii qaranku u igmaday waxa ay kaga mashquuleen danahooda shaqsi,waxaana golahan horyaala qorshayaal badan oo looga fadhiyo inay hirgaliyaan isla markaana ay kamid tahay in ay horumariyaan bilicda,quruxda iyo horumarka caasimada Hargeysa.
Gabagabadiina ilaa hadda lama garanayo wakhtiga ay golaha deegaanka Caasimada Hargeysa hirgalinayaan ballanqaadyaddii ay bulshada u ballan qaadeen wakhtigii  ololaha doorashada iyo taabo galinta qorshayaasha ay ugu talo galeen caasimada Hargeysa wakhtiga hadda iyo ka fogba,waxaana ay bulshadu iswaydiinaysaa goorta ay arrimahaasi bilaabayaan golaha deegaanka Caasimada Hargeysa.
Halkan hoose waxaan idinku soo gudbinaynaa wadooyinka caasimada Hargeysa ee ay ka muuqdaan burburka iyo dayaca xoogani isla markaana ay ku fashilmeen golaha deegaanka Caasimada Hargeysa inay wax ka qabtaan.

134225

 

COMMENTS
Latest News