Saxilnews.com
Dawlada Hindiya Oo Go’aan Ka Soo-saartay Maxaabiista Soomaalida Ah Ee Dalkeeda Ku Xidhan
June 7, 2017 - Written by suxufi

India (Saxilnews) Golaha wasiirrada ee dalka Hindiya ayaa maanta oo arbaca ah waxaa ay ogolaadeen  in Maxabiista Soomaalida ah ee ku jira xabsiyada dalka Hindiya lagu wareejiyo Soomaaliya si ay gudaha Soomaaliya xabsigooda inta ka dhiman ugu qaataan.

War Saxaafadeed soo baxay ayaa lagu sheegay in heshiis  labada dal uu dhigayo maxaabiita Soomaaliya iyo kuwa Hindiyaba ay dalkooda xabsiga ku dhameystaan si ay u ag joogaan qoyskooda, una helaan iyo daryeel iyo dhaqan celin.

Heshiiska noocan ah waxaa uu sidoo kale Hindiya kala dhaxeeyaa dalalka: United Kingdom, Mauritius, Bulgaria, France, Egypt, Sri Lanka, Cambodia, South Korea, Saudi Arabia, Iran, Bangladesh, Brazil, Israel, Bosnia & Herzegovina, UAE, Italy, Turkey, Maldives, Thailand, Russian Federation, Kuwait, Vietnam, Australia, Hong Kong, Qatar, Mongolia, Kazakhstan, Bahrain  iyo Estonia.

2004-tii, wixii ka horeeyay Hindiya kama jirin xeer qeexaya in Maxaabiis dal kale laga qaadi karo India ama in qaar dalkaasi u dhashay dib loo soo celin karo si dalkooda ay xabsiga ugu dhameystaan.

Maxaabiis badan oo Soomaali ah, kuna jiraan burcad badeed ayaa ku xiran dalka Hindiya, laba oga sida uu hadalkan golaha wasiirrada u dhaqan geli doono iyo goortaba, laakin waxaa hubaal ah haddii ay sidaa dhacdo in  intaasi ay noqon doonto guul diblomaasiyadeed.

Musawirka:– Golaha Wasiirada Dalka Hindiya

Xigasho:– Goob Joognews

COMMENTS
Latest News