Saxilnews.com
DAWLADA FEDERAALKA AH EE ITOOBIYA MAXAY KA TIDHI XAALADA JIGJIGA
August 5, 2018 - Written by editor

Dawladda Itoobiya ayaa sheegaysa in ciidamada militarigu ay qaadi doonaan dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si ay u ilaaliso

nabadgelyada gobolka Soomaalida ee ku yaal Bariga dalkaas. Kadib markii isku dhacyo qawmiyadeed ay galaafteen nolosha ugu yaraan 10 qof.
Qawmiyadda Soomaalida ayaa weerartay dadka ka yimid qaybaha kale ee dalka waxayna bililiqaysteen dukaamo ka dib markii ciidamada xukuumadda militariga dalkaas la soo dhoobay magaalada Jigjiga.
Xukuumadda Itoobiya ayaa isku dayaysay in si aan sharci ahayn ay awoodda ugala wareegto masuuliyiinta deegaanka gobolka Soomaalida.
Balse daad guraynta ciidamada ee Jigjiga ayaa dhalisay jawaab cadho ku dheehan tahay , iyada oo ugu yaraan 10
qof ay ku dhinteen markii la weeraray dadka aan ka soo jeedin qawmiyadda Soomaalida.
Kaniisad ayaa dab la qabadsiiyey dukaamana waa la bililiqaystay.
Loollanka awoodeed ee u dhexeeya dawladda Itoobiya iyo maamulka gobolka Soomaalida ayaa khatar ku ah in uu wiiqo barnaamijka isbadallada ee Raisul Wasaraha cusub Abiy Ahmed uu wado.
Dadka wax falanqeeya qaarkood ayaa sheegaya in xiisadda ay sii kicinayaan mucaarad ah si xooggan uga soo horjeeda siyaasaddiisa.
Kooxda mucaaradka ah ee ka hawlgasha gobolka Soomaalida, ee ONLF, ayaa ugu baaqday Raisul Wasaaraha in uu hakiyo dhaqdhaqaaqa militari uuna bilaabo hannaan nabadeed.
Source:-BBCsomali
©2

COMMENTS
Latest News