Saxilnews.com
Daraasad Balaadhan Oo Aan Xukuumada Haatan Joogta Ku Sameeyay Waxa Iso Baxday In Sedexda Wasaaradood Ee Ugu Shaqada Habooni Yihiin
March 14, 2015 - Written by admin

Daraasad Balaadhan Oo Aan Ku Sameeyay Golaha Xukuumada Haatan Talada Wadanka Haysa Aya Waxa Soo Baxday In Wasiirada Ugu Shaqada Badan Ugu Joogista Badan Xafiis Yadoodu Inay Kala Yihiin Sedex Dan Wasiir Ee Madaxtooyada , Duulista Hawada Iyo Wasiirka Macdanta Iyo Khayradka Dabiiciga .

Wasiiradan Sedex Ahi Waxay Ku Sifoobeen Shaqo Wanaag Si Dhaba Marka Loo Eego Howlaha Qaranka Ee Hada Socda , Aan Ku Bilowne Wasiirka Madaxtooyadu Mudadii Yarayd Ee Uu Gacanta Ku Hayay Haayada Wadooyinka Qaranka Waxa La Arki Kara Inay Ku Talaabsatay Horumar Aanay Labataanka Sano Hore Ugu Talaabsan Sidoo Kale Wuxu Wax Wayn Ka Badalay Meeqaam Sarena u Yeelay Wasaaradii Madaxtooyada Oo Aan Iyaduna Ahayn Mid Cusub Balse Aan Xasuusto In Wasaaradaasi Dowladihii ka Horeeyay Xata Aan Dadku U Shaqo Tagi Jirin Mantana Meeqaan Ka Qaalisan Ka Wasaarada Maaliyada Iyo Arimaha Gudaha Ayay Yeelatay Oo Ad Dareemi Karta Waxaban Xasuusta In Wasiirka Wasaarada Lagu Magacaaba Uu Dowladihi Hore Ka Aha Mid Aan Qiime Badan Ku Dhex lahayn Shiidaalka Iyo Qarashaadku Markay Ka Goaana Wasaarada Kale Soo Baadha Halka Maanta Aynu Dareemi Karno Miisaanka Siyaasiga Ee Wasaaradaasi Yeelatay Ano Odhan Kara Shanta Wasaaradood Ee Loo Yaqaanay “A” Ayay Iyadu Dhaaftay Oo Waa “A+” , Amaanta Inta Leeg Iyo Miisaanka Inta Leeg Ee Wasaarada Uso Hoyatay Waa Mid Wasiirkeedu Ku Amaanan Yahay , Waxanan Qaba Inay Xata Mustaqbalka Fog Ahaan Doonto Kursi Siyaasiya Oo Wasaaradihii Shanta Aha Lagu Dari Doono Ayna Noqon Doonto Dhawaan Lixda Wasaaradood Ee “A” Da ah Mid U Horaysa ! Hadan Kagaso Gudbo Inta Wasaarada Madaxtooyada

 

Waxan U Gali Doona Wasaarada Xigta Ee Duulista Iyo Hawada Dhab Ahaana Wasaarada Mudadii uu Hayay Wasiir Maxamuud Xaashi Waxan Odhan Kara Waxay Qaaday Talaabooyin Dhanka Horumarka Ku Suntanaan Doona , Mudadii Wasiirku Joogay Waxa La Casriyeeyay Xaqiiqiyana Manta Indhaha Dadka Ino Yimaada Qabanayan Labadii Airport Ee Berbera Iyo Hargeisa , Xaqiiqiyana Dhankasto Aynu ka Eegno Waxan Aminsanahay In Wax Wayn Manta Iska Badalen Waxa Mid Walba Lagu Wareejiyay Silig Adag Oo Aad U Dheer Si Aan Xoolo Iyo Dad toona Uso Galin , Waxa La Dhisay Oo La Kordhiyay Run-way gii Dhabaha Diyaaradu Ku Dagayso Gar Ahaan Kan Hargeisa Waxa Sido Kale Laguso Kordhiyay Dhismayaal Casri Ah Aad Na U Qiima Badan Qalab Aad U Qaali Ahina Yaalo , Waxa Intaba Dheer Horumarka Dhanka Technology Ah ee Isna Ka Qaybta Waxyaalaha Uu Wasaarada Guud Ahan Kuso Kordhiyay Haday Tahay Mid Wax Baadhaya Iyo Haday Tahay Mid Dhaqdhaqaaqa Shaqalaha Iyo Dadkaba Lagala Soconayo Guud Ahaan Goobaha , Waxa Intaaba Dheer Oo Aan Odhan Kara Waa Mid Mudan In La Xasu Wa Wasiirka Koobaad Ee Shaqaalaysiiyay Dhalinyartii Ugu Badnayd Ee Shaqo la Qoro , Umado Dhamina Waa Ka Markhaati , Hadan So Gaabiyo Waxa Ka Mida Waxyaalaha Lagu Xasuusan Doono Wasiirka Marka Uu Tago Dhismaha Qurux Badan Ee Uu Wasaaradiisa u Dhisay , Hadan Inta Ku Dhaafo Wasaarada Duulista .

sadex

Bal Aan Iyadana Eegno Wasaarada Macdanta Iyo Khayraadka Dabiiciga , Wasaaradan Waxan Xasuusta In Wasiiro Badani Soo Mareen Xukuumadan ka Hor , Hadan Si Gooniya Uso Qaato Wasaaradan Mudadii Xukuumadi Tan Hada Talada Ku Wareejisay Ee Ina Riyaale Waxan Xasuusta In Busku ka Dhex Duuli Jiray Wasiir Iman Jirayna Aanu Jiri Jirin Oo Anigu Mudada Lafteeda Xogogaal Ban u Ahaa Oo Xisbigii Burburay Ee UDUB baan Qayb Ka Aha , Waxana Wasaarada Wasiiru Dowlayaal Kaso Noqday Laba Wasiir Oo Aan Si Dhow Ugu War Hayay Muuse Madoobe Iyo Haybe Waxana Iyaga laftooda Kasi Horeyay Wasiir Axmed Maxamed Biixi , Hadan Araarta Soo Dhaafo Wasiirkan Hada Jooga Waa Ninkii Koobaad Ee Keena Shirkad Lacag Sida Oo Leh Shiidaal Ban Idinka Baadhaya ! Taasi Waa Mid Aan Hore u Dhicin Intii Qarankani Dhisna Waxan Xasuusta Wasaaradaasi Mar Ay Jirtay In Aanay Qaranka Qarash Ay Qabto Mooyee Waxba Soo Galin Jirin Maantana Waxay Miisaaniyada Ku Darta Sanad Walba Dhaqaale Aad U Badan Oo Malaayiina Taasi Wa Mid Ay Kentay Garashada Iyo Furfurnaanta Uu Dunida U Leeyahay Wasiir Xuseen , Waata Maanta Keentay In La Dhiso Ciidan Wasaaradasi Sabab u Ahayd Oo Ilaaliya Cidii Wax Ino Qabanaysa , Waxay Keentay Taasi In Dad Aan Xisaab Lahayni Shaqo Helaan , Waxay Keentay In Gaadiid Badan La Kiraysto Waxay Keentay In Umadaha Deegaanada Wax laga Qabanayo Ay Horumar Gooniya Ka Helaan , Waxaso Dhami Wax Bulshada u Muuqda Waana Mid Aan Nin Diida Iyo Nin Doona Toona Indhaha Ka Qarsan Karin , Ninkastoo Xogogaal Ahaana Waa Arkayaa Xaqiiqdu Siday Tahay .

Hadaba Intaaso Dhan Macnaheedu Maaha In Wadanka Dowlada Ka Jirta 100% Guulaysatay Ee Waxa Guulaystay Wasaarada Aynu Soo Xusnay Waxana Mesha Ka Maqan Oo Aan Haba Yaraate Odhan Kara Shaqooyinkoodii May Qabsan Inta Kale Hadhay Haba Ugu Horeeyaan . Wasaarada Cadaalada Oo Aan Odhan Karo Bahdii Garsoorku Way Guul Daraysatay , Waxa Ka Mida Wasaarada Warfaafinta Oo Aan Odhan Karo Marka La Eego Wakhtiga La Joogo Iyo Dhaqalaha Soo Gala Iyana Sidii Loo Bahna Ugamay Faaidayn , Waxa Ka Mid Ah Wasaarada Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Oo Aan Gabi Ahaanba Odhan Karo Way Fashilantay , Waxa Ka Mid Ah Wasaarada Diinta Oo Aan Odhan Karo Caqiido Ahaan Wax Talaabo Diiniya Oo Midayn Iyo Wax Lamida Oo Ay Qaaday ma Jirto , Waxa ka Mid Ah Wasaarada Arimaha Gudaha Oo Lafteedu Ah Wasaaradaha Fashilka Siyaasiyan . Intaa Hadan Ku Dhaafo Kuwan Xusay Waxa Iyaguna Badan Wasaarado Door Ah Oo Anan Dhana Ku Darin Kuwaana Waxan Odhan Laha Waa Wasaaradaha Maa Bayna Wa Baynada Ah ee Shaqooyinkoodii Waxna Qabtay Waxna Dhiman Yihiin .

 

berbera2002@gmail.com

COMMENTS
Latest News