Saxilnews.com
DANTAA BADDAY! …. WQ: FAADUMO AADAN MAXAMUUD
March 25, 2015 - Written by admin

Haddii shanta farood indhaha lagaa galiyo aanad waxba arkayn. Oohinta labada ubadi way kala kaayeysanayaan

Saq dhaxe bay gurigeedii ka soo baxday, iyadoo laba carruura wadata.  Cidi lama socoto aan ahayn labada ubada ee ay  midna dhabarka ku sidato kuna  lammaan tahay iyo kan kaleey  daadihinayso dhinac way ka baqaysaa.  Meel mugdi iyo madaw  isku darsatayna way maraysaa.   Haddii shanta farood indhaha lagaa galiyo aanad waxba arkayn.  Oohinta labada ubadi way kala kaayeysanayaan midiba marbuu ku ooyayaa. Mararka qaarna marbay ku wada ooyayaan. Waxabad mooddaa in siidhi mar kaliya loo afuufay gaajo iyo harraad awgeed. Toosh yar oo iftiinka uu bixinayo aad u yar yahay ayey sidataa wayna lux-luxaysaa, si ay iftiin dheerraada uga naawisho  ugana  hesho. Biyo caagad yar ku jira oo ballay sidaa

uga fogayn casarkii ka soo darsatayna inkastoyba caafimaadkoodu wanaagsanayna way sidataa. Wax cunto ah waxaa ugu danbaysay  cashadii la qawadayey ee aadka u yarayd. Inkastooy intiiba siisay wiilkeedan laba  jirka ah intii kalane kan kalay ku lammaantahaa ka jaqay.

dhabbada cagtaba  soo saartay dhaxan badan baa dhacaysa  hanfi badan oo qobowna wadata.   Buste yaroo  huna kay dhabarka  ku  siday huwisay. Kii kalena go’ aan dhaammin ku dadday oo jaarku saddex maalmood  ka hor u soo tureen.  Waa hooyo da’ yar hadda  uun la gashay madaxa da’dii labaatanka cimrigeedii oo dhanna noloshan sillica iyo darxumada leh baa ruugtay oo idllaysay, lixdan jirna way u eegtahay. Dhaxanta haysa, cidlada ay marayso, oohinta ubadkeeda waxa kaga sii darran, murrugada haysa ee ku kooban iyada cid kalena aannay la wadaagayn.

”Aamu. Ii aamu hooyo macaane.” Ayay intaa haysaa inta ay marba mid ku soo foorarsato, markay ku soo foorarsatana ilmada labadeeda  indhood ka soo burqannaysaa waxay sida roobka ugu hoorraan dhabannada labada ubada markaasay ka sii darraan. Way iska tirtaa haddana iska tirtaa mabase ka joogsato, beerkay aad ugu  ooyeysaa  murrugo, tiiraanyo iyo qoomomana way u dheer tahay nolosha ay ku jirto iyo cidladan dhinac kasta kaga gaddaaman ayay markasta la murugoonaysaa marba waxaa soo hor maraya, dhimashadii aabbaheed iyo hooyadeed oo iyadoo yar ka hoyday agoon iyo rajana way isku darsatay  cid lama walaalo aha. Wax ehel u ah ayeydeed hooyaa jirtay oo ay ku indho kala qaaday hooyo , aabbo iyo  walaalba u ahayd iyaduna kal horrey ka  dhimmatay.

Ehelkeeda kalana dantay ku neceen mana daneeyaan mar ay wax u tuur-tuuraan mooyee wax kale uma taraan. Way qoomamoonaysaa haddana quus goynaysaa. Waxay mar walba ka qoomamoonaysaa oo ay is waydiinaysaa,”Horta ubadkan aabbahood maxaad u guursatay? Sidanba maanta umaad silicdeene! Maxaadse ubadkan u soo qaadatay reerkoodu iyagaaba dar yeeli lahaa. Waa qaddar iyo wax uu Illaahay kuu qoray.” Ayey ku dhaaftaa. Waxayse quus goosatay, markay ubadkeedii bannaanka u soo dhigeen ninkeediina ka dhoofiyeen xaashideedii  oo qalalanna farta ka saareen! Inkastoyba kaga sii darnayd markii cid wixii u dhawaa ee dadkooda ahaa arrinkaa waxba uga qaban waayeen oo marba marka ka danbaysa u meeraystaan, mashquulkaa nagu badanna gurraan. Farahaba ka qaaday  marka horreba waxma tare aan dan ka lahayn ayuu ahaa.

Maxay imikana xaashidan caddi u tari?! Dee waxba, daryeelka ubadkeeda iyo korriinkooda  dhexda u xidhatay. Marba waxay mawjad iyo maalmo mugdiya maskaxdeedu marba soo xasuusataba, waxay gudaafadaha xashiiska musaska ciinka la gashaba labada ubada, waxay gawaadhida waddada socda gacanta u haadisaba, waxay iyaguna naxariis ma lahee iska dhaafaanba qaar baa waxay moodayeenba mooyiye, waxay xawaaraha gaadhiga kordhiyaan  horrena u dhaafaanba, mugdigii badnaa waxa uu u soo eekaaday mid soo yara caddaanaya waagiina soo beryayo. Mudh ku too tidhi cisbitaalkay u socotay haween badan ood mooddo inay meesha u howdeen way fadhiyeen. Inkasta oo ay iyaguba danyar u badnaayeen haddana waxay hooyadan yar ku dhaammeen, mid kasta waa  lala socdaa cid caawisana way haystaan. Iskaba ag fadhiisatay. Salli yaroo hore meesha u taalay dhinac kaga fadhiisatay.

Wax cunto ah ma haysato iyo lacag faro laabsiya.  Marka laga tago lacag aad u tiro yar oo farraqa shalmada ugu guntanayd oo  shalay galab ka soo heshay dhar ay jaarka u maydhay. Kii waynaa biyihii  afka ugu qabatay, kii yaraana naaska afka u galisay. Inkasta oo ka yari xummad badani hayso wuu jaqi kari waayey. Waxa la gaadhay xilligii qof kasta la siin lahaa, ogalaanshaha u galidda dhakhtarka. Dad badan iyada way ka horreeyeen haddana way u naxariisteen markay arkeen hooyadan sidata ilmahan aadka u buka. “Iyada nagga horraysiiya.” Dhawr dumaraa  mar ku wada dhawaaqay. “Waad mahadsan tihiin.” Intay ku dhaaftay ayay fadhiisatay goobtii loogu talo galay, kii labada waynaana way is ag-fadhiisisay. Kalkaaliso koodh cad xidhan  birna qoorta ku sidata ha soo dul istaagto.  Sankay taagaysaa intaa! Haddii dukhsiga duulayaa dusheeda soo dul istaago, shan sanoo xadhiguu mutaysanayaa! “Toloow tani ayey ka umulinaysaa.” Hoos isku tidhi. Af-Soomaali iyo af-Ingiriisi isku dhafan kula hadashay. Dhinac ay u saarto way garan wayday. Way se  garatay inay afkeeda af kale ku darayso. “Maxaad tidhi walaal? Iigu soo celi.” Ayey si naxariisi ku jirto ugu tidhi kalkaalisadii. “Waydiinta iigu soo celi ayey dadku kugu badinayaan. Miyaanad i maqlayn.” Kula soo booday tii yarayd. “Waan ku maqlayaaye, ha ii hanjabin! Oof baa habbeen hore ku dhufatay.” Si kulul ugu tidhi tii yarayd kalkaalisadii, sida kulul ula hadashay.

Gabadh caddaamad ah baa ku soo baxday oo bukaanka baandhaynaysay. “Ma wax dhib ah baa jirta”? Ku waydiisay lahjadeedii. Maya. Waydiin aan waydiiyey ayey   garan  wayday. Hadalkana way igu celcelisay. “Bukaanka inaad raali galiso waa mid kugu waajiba markasta.” “Waayahay”  uguba warcelisay kalkaalisadii gabadhii caddaanka ahayd iyadoo khajilaad la foorarsatay. In  badanba kumay hakane, gabadhii yarayd intay dhinaceedii u soo kacday ayey ilmihii yaraa ku soo foorarsatay  mac-macaanna afkay u galisay markaasay tidhi iyadoo dhoolo caddaynaysa, “Wuu bogsanayaa. Waxba ha ka werwerin. U turjun waxaan ku idhi”. Ku tidhi kalkaalisadii. kalkaalisadii oo mooddo in la jeel laga soo saaray sankana taagaysa si cadho leh ugu tidhi,  “Waxay ku tidhi, ha werwerin ilmahaagu wuu bogsanayaaye.” Naxariis umay muujin, nacayb bay se ku bariidisay markiiba. Waxabad mooddaa inay cadaawad hore u qabtay. Gabadh aanay garanayn cidda ay tahay Af, dhaqan iyo diin toona aanay wadaagin  ayaa u muujisay naxariis. Tii ay isku dhiigga iyo dhaqanka ahaayeena waa tannoo way iska waynaysiinaysaa. Iyadba waa yaab iyo Af-kala qaad! Way baadhay. Dawooyina way u qortay. Sidaasna way kaga soo baxday cusbitaalkii.

Dadka qaar baa ku xanta, “Malaha ubadkani aabbe ma leh!” Halka kuwo kalena nolosheedoo dhan goob-joog  u ahaayeen. Maalin oo dhan ubadkeeday u qadhaabsi tagtaa. Xaafadahay dharka u maydhaa arroorta hore. Mar ay hesho iyo mar ay waydaba way leedahay. Markay dharka u maydhaso reeraha, ka wayn lugtay ka xidhaa. Ka yarna gurigay seexisaa. Cadceed dhacay dhammaysaa dharka. Dadku isku mid ma ahee, qaar ba si bay ula dhaqmaan. Qaarbaa soo dhaweeyaa lacagta ay shaqaysatana ugu dara, raashin qaydhin, dhar hore ay u gashadeen iyo waliba cunto karsan. Kuwo kalena iska daa inay raashin iyo cunto siiyaane, “Soo doono barri ama sahan danbe ayey warcelintoodu noqotaa.” Markay u soo doonato barriday sheegayeenna, lacag aan u qalmin hawshay qabatay ayey siiyaan. Markaasay haddana u sii raaciyaan, “Qaado haddaad qaadanaysid aday dantaada tahee.” Damiir la’aa dadka qaarkii. “Yaa nolosha ku guba.” Baad mararka qaar  is odhanaysaa.

Cadceed dhacay suuqa soo martaa, cunto yar oo iska jaban ayay soo iibsataa. Illayn awood uma laha cunto qaaliyee. Mabase hawaysato wax aanay awood u lahayn doon-doonkiisa. Haddana waxay raadisaa xaabo si ay wax ugu karsato. Farahu way biyo galiyaan siday u gurayso. Indhuhuna kabbo dhiiggay u eekaadaan siday u afuufayso xaabada qiiqa badan leh. Sidan inay yeesho waayaha ay ku nooshahaa  barey, sababtoo ah ma haysato shoolad iyo dhuxul ay wax ku karsato.

Illaa intay carruuteedu dhargayaan, iyadu afka waxba ma saarto. Hambadooday sugtaa. Siday afka ugu gurrayso ayey ba idllaystaan. Wax aan dhaamin laba rudhmo ayay afka galisaa. Intaba se waxaa ka jaqa, kan ay ku lammaan tahay. Faynuus aan iftiin badan lahayn bay u shiddaa. Buste iska duug ahna way wada huwadaan. Arroortii markay gaadhana shaqadeeday halkii ka sii waddaa mar ay hesho iyo mar ay waydaba way leedahay. Ma jecla dadka ay isku dhaw yihiin  iyo kuway kala fog yihiinba wax waydiisigooda. Sababtoo ah way ogtahay in aanay ka helayn ama iyagoo sii jeeda wax soo siinayaan. Mar ay xamili waydo gaajada khasabay  ku noqotaa, inay ku luuddo gacmaha hoos dhigato si ay wax uga hesho.

Maalin oo dhan waa u socod iyo hawl adag oo aanay tahli karayn da’deena ahayn. Habbeen oo dhanna waa u murrugo iyo marrooro dillaac. Dhakhtar iyo dawo ta Alle mid aan ahayn ma naawisho. Hadday dhakhtarka tagtana waxayna awood u haynin, lacagta badan ee ay dadka ka qaadaan iyagoonay wax ku waydiin kuna baandhayn!

Kii baasaayee xaaskiisa ahayd ee furay. Ma shaqayste ayuu noqday xawaan waxba ma dhaamo! Inkaartii uu tan yar ka shaqaystay waxay ku noqotay wax aanuu ka soo waaqsan beryahaa. Dulli dameera dheh! Ha is furaanbee, ubad baa kaa danbeeyey marna maskaxdiisa yari may ku soo dhicin. Maalin maalmaha ka mida ayey isku dayday inay la hadasho, “Cidda aad tahay, ma garanayo.” Bay warcelintiisu noqotay! Alleenkiina wuu ku dhigay. Maalintaasaa la hadalkiisa ugu danbaysay. Jaadkaa saddexda waqtiba u ah cunto wuuna raamsadaa. Maqaaxi ayuu habbeen oo dhan fadhiyaa kana duryamaa. Sheekadiisu wax kale ma ahaa waa uun “Kii hebel ahaa waa la casilay! Hebelkii kalaa lagu badalay. Annagoo reer hebel  ah baa jagadaa xaq u lahayn.” Iyo wax aan dhaamin ayuu ku hadlaa. Maalintii oo dhanna waa u hurdo. Marka horreba waxba kumay qabin aan ahayn cago juglayn iyo car iridda ka bax.

Hadday qayrkeed dugsiyada tagaan, iyadu waligeed may arag cid u dhiibaysa  qallin iyo buug. Haddii qayrkeed dharka loo maydho, saddexda wakhtina dharka iska baddalaan iyadu mid kaliyey xidhan tahay oo dul caddaaday. Haddii qayrkeed guryo balballaadhan galaan, iyadu Aqal-Soomaali dhar hunna iyo baco ka samaysan bay gashaa. Meeshay dagan tahay magaalada way ka durrugsan tahay. Lacagta baskana ma awooddo. Haddayba se hesho sonkor, caano yar iyo shaah ayey carruurteeda u siisaa. Si ay magaalada u timaado, waa inay soo lugaysaa, dhibta socodkan dheeri waa ku dhib aanay tahli karayn.  Dantaa se sidan badday iyada iyo labadeeda carruura.

Nolol sillic iyo darxumo isku darsatay bay ku nooshahay, nolol qofkii damiir leh ka diir naxayo bay ku nooshay. Goortay se ka baxayso  Alle uun baa og!

 

Dhammaad.

 

 

WQ:Faadumo Aadan Maxamuud

faadumo.buuni@gmail.com

 

 

COMMENTS
Latest News