Saxilnews.com
Dagmooyinka LAAS GEEL,ABDAAL iyo Sida Ay Diiwaangelintu Madaniga ah Uga socoto Qaybta 8aad
April 9, 2015 - Written by admin

Dagmooyinka LAAS GEEL,ABDAAL  iyo Sida Ay Diiwaangelintu Madaniga ah Uga socoto Qaybta 8aad

Degmooyinkan ay warfidiyeenadu kormeerka ku soo mareen,isla markaana ay ka socotay diwaangalinta Madaniga waxaa ka mid ahaa Abdaal iyo Degmadda Dacar Budhuq oo ka kala tirsan gobolka Saaxil iyo Maroodi-Jeex

 

Goob ka mid ah goobaha diiwaangelinta ee magaaladda Abdaal ee gobolka Saaxil

 

Hadaba  mid ka mid ahaa hawlwadeenada diwaangalinta oo ka warbixiyey  sida ay  uga socoto Degmooyinkaasi ayaa isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi  “Si  fiican ayay imika noogu socotaa qaadashada kaadhaoo ay dadku soo badanayaan.   imika laakiin aad ayay u fiican tahay inta uu badhasaabka cusub noo yimid. Wax badan baa is-bedelay, shaqaalaha laftooda  joogto ayaa loo ilaaliyaa imika  oo waxaa lagu sameeyaa kaantarool,  markaa waxaan odhan karaa imika aad iyo aad ayay u fiican tahay.”

Sidoo kale waxa uu ka hadlay  masuulkani caqabadihii ay kala kulmeen mudaddii ay hawshani ku guddo jireen, waxa uu yidhi “Intii aanu hawshani ku jirnay caqabadaha  aanu kala kulanay waxaa ka mid ahaa” oo uu sheegay in ay jireen hadallo been abuur ah oo bulshadda lagu soo dhex tuuray, kuwaasi oo shaki lagu geliyay dadka in haddii ay is-diiwaangeliyaan oo ay qaataan kaadhka dhalashadda in aanay wadamadda dibadda u bixi Karin, gaar ahaan dhalinyaradda oo lagu khal-khalgeliyay in aanay dalka ka dhoofi Karin ama aanay ka bixi Karin dalka.

waxana uu fariin u diray bulshadda ku dhaqan gobolka  iyo deegaamadda hoos yimaadda. Waxaanu yidhi “Fariinta aan shacabka u dirayaa, waxay tahay  in qof waliba uu qaato waraaqdiissa dhalashadda,  oo ah wax aad iyo aad u muhiim ah,  waayo muwaadinba ma tihid, haddii aanad maqnayn ee aad wadanka joogto, bilaash ama lacag la’aan ku qaadan waydo kaadhka dhalashadda, waa la hubaa in aad maalin maalmaha ka mid ah u baahan doonto, waana la hubaa inaad u aayi doonto haddii aad qaadato.

Masuulkan ka socday  guddida kormeerka diiwaangelinta ee Degmooyinkaasi oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas ku daray, “Xafiisyadda dawladu waxay ka mid yihiin magaaladda dhexdeeda, markaa goobaha kale ee  la dhigi lahaa ayuunbay ka mid yihiin.  waana meelaha ugu muhiimsan ee ay imika diiwaangelintu ka socoto. Meelaha aanu labadda dhignayna waa meelaha ay dadku ku badan yihiin,  waxaananu  labadda uga dhignay in ay shaqadu  kala fududaato. Waxaanu rejaynaynaa  maalmaha soo socda in ay dakdu soo kordhi doonaan,iyadoo aanu weliba filayno in meello kale loo baahan doono haddii bulshadu sidan ay manta u fahamsan yihiin ay ka sii fahmaan.”

Diyaariye:Axmed  Maxamuud Cismaan(Mr:Duni Cusub)

Dhaymoole999@hotmail.com

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

COMMENTS
Latest News