Saxilnews.com
DAGAAL DHUL-BALLAADHSI AH OO MALEESHIYO-BEELEED PUNTLAND TAAGEERAYSAA KU SOO QAADEEN KOONFURTA GOBOLKA SOOL, TIRADA DHIMASHADA IYO WARARKII U DAMBEEYAY
December 25, 2017 - Written by editor

Odayaal Laascaanood ka sheegay in 70 Gaadhi oo Tikniko ah Lagu soo weerraray Deegaankooda, Madaxweynaha Puntland-na uu Dagaalka ka hagayo Deegaanka Burtinle

Sool(Berberatoday.com)-Ugu yaraan 10 Ruux ayaa ku dhintay, tiro intaa ka badana waa ku dhaawacantay dagaal ka dhacay tuulada Qoriley oo 73KM Koonfur barri kaga beegan magaalada Laascaanood xarunta gobolka Sool ee Somaliland Shalay gelinkii hore.

Dagaalkan oo u dhexeeya laba beelood oo colaad soo nonoqotay ka galaafatay dad badan degaan ahaana ka soo kala jeeda degmooyinka Koonfurta Laascaanood iyo Burtinle oo ka ah Gobolka Mudug ee Soomaaliya, ayaa waxaa la sheegay in maleeshiyo beeleed ka soo duushey dhinaca Burtinle isla-markaana u dhashay Beesha Majeerteen ay Shalay subaxdii weerarreen tuulada Qoriley, halkaana uu ka dhacay Dagaal socday muddo.

Dagaalkan oo salka ku haya muran ku saabsan Mulkiyadda Dhulka ay Qorilay ka mid tahay soo ay deggan tahay Beesha Bahararsame ee Dhulbahante, balse ay sheeganayaan Beesha Cumar Maxamuud (Majeerteen), ayaa daba-socday dagaal laba Maalmood ka hor ka dhacay deegaanka Gunburka Cagaare, ayaa Dadkii ku dhaawacmay la geeyay Magaalooyinka Laascaanood iyo Garoowe, ay ku warrameen Warbaahinta suxufiyiinta ka hawl-gala Gobolka Sool oo Wargeyska Himilo soo xigtay.

Warka KoowaadBeesha Dagaalka soo qaadday ee Cumar Maxamuud (Majeerteen), ayaa doonaya inay qabsadaan deegaannada ay ka mid yihiin Gumburka cagaare, Xoorre iyo Qoriley oo ay Shalay soo weerarreen sida ay sheegeen qaar ka mid ah Odayaasha Beesha Bahararsame ee Dhulbahante oo Saxaafadda la hadlay Shalay “Duulaankaa ka dhacay Qoriley waxa soo qaaday Puntland iyo Beesha Cumar Maxamuud ee Majeerteen, waxaana hoggaaminaya Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas oo Dadkoo dhami ogyahay inay Madaxtooyadiisa ka soo baxeen (Ciidammada dagaalka soo qaaday) iyo Islaan Bashiir-na wuxuu hoggaaminayaa Maleeshiyada Cumar Maxamuud. Waxay ku hanjabayeen meesha isku haysan mayno oo annagaa leh.” Ayuu yidhi, mid ka mid ah Odayaasha Beesha Duulaanka lagu soo qaaday, waxaanu intaa ku daray  “Annagu Dhul ay leeyihiin uma socono, laakiin Imikaba Dagaalka ayaa iga soo qaaday, Dagaalkaa iyagaa bilaabay waanu soconayaa”

Mid ka mid ah Cuqaasha Beesha Bahararsame ayaa isaguna sheegay in Ciidammada Dagaalka ku soo qaaday deegaankooda uu soo ambo-bixiyey Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas oo uu sheegay inuu ku sugan yahay degmada Burtinle “Haddaanu nahay Cuqaasha Bahararsame, waxaanu caddaynaynaa Dagaalka Saaka (Shalay) ka dhacay Qoriley ee lagu soo weerarray 70 gaadhi ee Tiknikada ah waxa masuul ka ah Madaxweynaha Puntland iyo Islaan Bashiir oo labaduuba ku sugan degmada Burtinle, halkaas ayaa laga soo ambo-bixiyey oo Shidaalka, Rasaasta iyo Saadkaba laga soo siiyey. Ciidammadii PS-ta ku jira (Ciidammada la dagaalanka Argagixisada), waxa ku jira ciidammadooda Milletariga, waa dagaal Abaabulan, waa Dal doon, dhulka lagu dagaalamayaa waa Dhulkayagii, waa Magaalooyinkayagii iyo beraagahayagii.”

Odayaasha u hadlay

Warbaahinta gobolka Sool ayaa soo tabisay in Dagaalkan labada dhinac kaga dhinteen Dad gaadhaya 11 Qof, hasa-ahaatee ma sheegin sida khasaaruhu ugu kala badan yahay labada dhinac, laakiin Odayaasha u hadlay Beesha Bahararsame ayaa sheegay in dhankooda ay Dagaalka kaga dhinteen 3 Qof, labana kaga dhaawacmeen.

Illaa hadda Maamulka Puntland iyo Beesha Cumar Maxamuud ee lagu eedeeyay inay Dagaalka soo qaadday wax War ah kama soo saarin Dagaalka iyo eedaha loo jeediyey.

Ugu dambayn, Maamulka Gobolka Sool ee Somaliland oo doraad ka hadlay Dagaal kan ka horreeyay oo ka dhacay deegaanka Gumburka Cagaare ee Gobolka Sool ku eedeeyay Puntland.

Badhasaabka Gobolka Sool Mr. Khayre ayaa sheegay in Dagaalka Beesha Cumar Maxamuud ee Majeerteen ku soo qaadeen Gumburka Cagaare ay qayb ka ahaayeen Ciidammada Puntland, waxaanu wakhtigaa sheegay in aanay Dawlad ahaan ka aamunsaan doonin ee ay Tallaabo qaadi doonaan, balse Hanjabaaddaa waxa ka dambeeyay Dagaalka Shalay gelinkii hore ka dhacay Deegaanka Qoriley.

Ugu dambayn, Maleeshiyaadka Beesha Cumar Maxamuud ee la sheegay in Ciidammada Puntland taageerayaan ayaa ku sugan deegaanno ku dhow tuulooyinka Xoorre iyo Gumburka Cagaare oo hore dagaallo uga dhaceen, sida ay sheegeen Maleeshiyaadka Beesha Bahararsame oo Muuqaallo laga soo duubay lagu baahiyey Internet-ka Shalay.

COMMENTS
Latest News