Saxilnews.com
Dagaal Adag Oo Dhinacyo Ka Tirsan Al-Shabaab Ku Dhexmaray Jubada-Hoose
November 21, 2015 - Written by admin

Xagar,Jubada-Hoose_(SAXILNEWS)_Degmada Xagar ee gobolka Jubada Hoose ayaa maanta uu iska hor-imaad ku dhex-maray laba dhinac oo oo iska soo horjeeda oo ka kala tirsan ururka Al-Shabaab.

Iska-hor- imaadkaasi ayaa yimi sida dadka deegaanaku sheegeen kadib markii kooxda Al-Shabaab ay xidhay laba sarkaal oo hore uga tirsanaa ururka oo ay uga shakiyeen inay ku biireen kooxda Daacish.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in xaalada Xagar oo 180km waqooyi galbeed kaga beegan Kismaayo ay haatan kacsan tahay, iyagoo ka cabsi qaba in halkaasi iska hor-imaad kale ku dhex maro dhiancyadaasi.

Iska-hoorimaadkan ayaa imanaya xili toddobaad ka hor uu dagaal ku dhex-maray Al-Shabaab iyo garab taageersan Daacish duleydka degmada Sakow oo ay labada dhinacba kaga dhinteen 9 qof.

wali macadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkan. mana jiraan wax hadal oo ah oo ka soo baxay kooxda Al-Shabaab.

 

SAXILNEWS005@GMAIL.COM

COMMENTS
Latest News