Saxilnews.com
Dag Dag:- Nin Ganacsadde Caana Ah Oo Barbara Lagu Toogtay, Qaabka Loo rasaaseeyay Iyo Xaaladdiisa Caafimaad Sida Ay Tahay
June 28, 2017 - Written by suxufi

Hargeysa(Saxilnews):- Nin ganacsade caana ah oo la yidhaahdo Kayse Aadan Garas ayaa waxa lagu toogtay magaalo xeebeedka Barbara waxaa sidda warar hor dhaca ah ee soo gaadhaya Hangoolnews ay sheegayaan in ninkani uu xabad ku dhuftay nin askari ah oo ku sugnaa badda agteeda Ninkani ganacsadaha ah ayaa ku soo dabaashay badda waxaanu sidda wararka qaar sheegayaan codsaday in uu biyaha badda uu kaga maydho xamaam meesha u dhow waxaan ka hor itaagay askariga halkaas oo is-maandhaafku ka bilaabmay.

Ninkani ganacsadaha ah ayaa keena dalka baabuurta waxaanu leeyahay mid ka  mida macdaradda baabuurta lagu iibiyo,

Xabadda ayaa kaga dhacday ninkani laabta xaaladiisuna waa mid aad u fiican.

Dhinaca kale ciidanka booliska magaaladda Barbara ayaa markiiba bilaabay baadhis ay ku samaynayaa kiiskani.

COMMENTS
Latest News